DHAGEYSO:- Madaxweyne Shariif oo si kulul kaga hadlay dadkii lagu laayay Baydhabo+laamaha amaanka uu la hadlay

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu ka hadlay Qaraxyadii shalay galab ka dhacay Magaalada Baydhabo ee dadka shacabka ah lagu xasuuqay.

Shariif Xasan waxa uu sheegay inuu ka tacsiyadeynaayo dadkaasi shacabka ah ee lagu laayay Qaraxyada Shabaabka ay fuliyeen, isaga oo sheegay in arin naxdin leh ay tahay in Shabaabka ay bartilmaameedsadaan goob shacabka isugu yimaadaan.

Waxa uu sheegay ogaalkiisa ilaa hada Qaraxyadaasi inuu kaga dhintay Maamulka Koonfur Galbeed, Wasiir ku xigeenkii Dhaqancelinta iyo Hub ka dhigista Maamulka Koonfur Galbeed oo ka mid ahaa dadkii fadhiyay goobta Qaraxyada ay ka dhaceen.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay inaan la garan karin si loo celiyo qof isku soo xiray suun waxyaabaha Qarxa ka sameysan, qofkaasi oo doonaya inuu naftiisa haligo umad kalena uu baabi’iyo.

Madaxweynaha oo aanan si rasmi ah u shaacin tirada dhimashada ka dhashay Qaraxyadaasi, ayaa sheegay dhaawaca inuu gaarayo 37 ruux, wuxuuna ugu baaqay Beesha caalamka iyo Dowladda Somaliya inay u soo gurmadaan dadkaasi si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Tirada dhimashada Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo, ayaa gaaraya ilaa 20 ruux, halka dhaawacana uu ku dhaw yahay Afartan ruux sida Saraakiisha Isbitaalka ay sheegeen.

Qaraxyadii Baydhabo ka dhacay shalay galab ayaa kala ahaa ruux waxyaabaha Qarxa isku soo xiray oo isku qarxiyay Maqaayad ku taallo halka loo yaqaan Afar Irdoodka Baydhabo oo ah galbihii meel aad u camiran, iyo Qarax gaari oo isna ka dhacay maqaayad kale oo halkaasi aanan ka fogeyn.

Xaalada Magaalada Baydhabo, ayaa saaka degan, waxaana Magaalada lagu arkayaa ciidamada oo gaaf wareegaya gudaha Magaalada si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO