DHAGEYSO:- Maamulka degmada mahadaay oo bilaaby Howlgal lagu furayo Wado isku xirta mahdaay iyo jowhar

0

Gudoomiyaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Idaacadda Risaala ee muqdisho ayaa waxaa uu sheegay degmada Mahadaay iyo waliba duleedkeeda ay ka socdaan howlgallo ay si wadajir ah u sameynayaan Ciidamada dowladda iyo waliba AMISOM oo isku dhinac ah.

Ujeedka howlgaladaas ayuu gudoomiyaha ku sheegay in ay tahay sidii Xarakada Al-shabaab ee ku sugan  degmada Mahadaay iyo waliba deegaanada ku dhow dhow looga saari lahaa, iyadoo gudoomiyaha uu intaa raaciyay in howlgallada ay sii socon doonaan ilaa amniga degmada uu ka noqdo mid hagaagsan waa sida uu yiri.

Dhawaanahan waxaa dagaalo ay ka socdeen meel duleedka ka ah degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana uu dagaalkaas uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO