DHAGEYSO:- Axmed Madoobe”Madaxda Dowlada waa inay ilaaliyaan Ciidamada Soomaaliya, Amisom-na laga bedelaa si Qaraxyada loo wada dhadhamiyo”

0

Qaraxyaddii shalay ka dhacay Badhaba waxaa cambaareeyay Madaxda dowladda Somalia Midowga Africa, Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha maamulada ka jira Somalia.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay qaraxyadii Baydhabo iyo guud ahaan amaanka Somalia.

Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay Beesha Caalamka oo uu sheegay inay ka gaabiyeen dhismaha Ciidan awood leh oo Soomaaliyeed.

Axmed Madoobe ayaa talo ahaan u soo jeediyay in Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka haya xarumaha dowladda iyo xarumaha kale ee maamul goboleedyada laga qaado, laguna wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed, si ay la isugu tashto, isla markaana amniga uu ka bilowdo.

“Waxaa talo ahaan u soo jeedinayaa in Ciidamada AMISOM ee waardiyeynaha xarumaha laga qaado, gaar ahaan ha laga bilaabo Villa Somalia, in ciidan Soomaaliyeed oo dhisan lagu wareejiyo, waxaa u baahanahay waa amni oo dib loo xisaabtamo, lana isku tashto.

HALKAAN KA DHAGEYSO