DHAGEYSO:- 40 kamid ah Dadka ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo oo ay Adag tahay Xaaladooda

0

ugu yaraan 65 Qof ayey gaartay Tirada Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay,iyadoo dhimashada lagu sheegay 35 kale.

Agaasimaha Isbitaalka Guud Ee Magaalada Baydhabo C/fitaax Ibraahim Cali ayaa sheegay in Dadkaasi 40 kamid ah aan waxba looga qaban karin Isbitaalka Baydhabo,waxaana uu sheegay in ay u baahan yihiin Gargaar kale oo dhanka Caafimaadka ah.

Dhaawacyadaas ayaa qaba Jab,Gubasho iyo Firiro ay Sababeen Qaraxyada ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa Dowladda federaalka iyo Hay’addaha Caafimaadka ka dalbaday in Gurmad loo fidiyo Dadkaasi ay Musiibadu ku dhacday.

HALKAAN KA DHAGEYSO