DHACDO NAXDIN BADAN:- Nin dilay 14-ruux oo Qoyskiisa ah

0

Nin u dhashay India ayaa toori ku dilay 14 qof oo ay isku qoys yihiin xilli ay jiifeen. 7 ka mid ah dadkaasi ayaa ahaa carruur.

Dembi baarayaasha ayaa rumeysan in dil wadareedka uu ka dhashay muran ku saabsan hantida qoyskaasi.

Booliska ayaa sheegay in lagu wargeliyay in guri ku yaalla meel u dhow magaalada Mumbia ay haweeney ka qeylineysay.

Haweeneyda oo la dhalatay ninka ayaa ka badbaaday weerarkaasi.

Booliska ayaa intaa ku daray in ninka uu xiray dhammaan albaabada guriga ka hor inta aanu dilka fulin.

Ninka ayaa markii dambe is dilay.