Dad dhaawacyo Halis ah ay ka soo gaareen Qaraxyadii Shalay ka dhacay Baydhabo oo la keenay Muqdisho

0

Dadka qaba dhaawacyada ugu daran ee waxyeeladu ay ka soo gaartay qaraxyadii maalintii Axada ka dhacay Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa maanta loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Diyaarad siday dhaawacyada 16 qof, ayaa ka soo cago dhigatay Garoonka Aadan Cadde, si xaaladooda caafimaadeed wax looga qabto Magaalada Muqdisho.

Dhaawacyadan, ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Ciidanka Amisom ku leeyihiin Xarunta Xalane, oo ku dhex taala Garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, oo maanta booqday Isbitaalka Guud Baydhabo, ayaa mar uu Saxaafadda kula hadlaayay waxaa uu sheegay in dhaawacyadaasi ay u muuqdeen, kuwo aan waxba looga qaban karin Magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa Dowladda Somaliya iyo Beesha Caalamkaba ugu baaqay inay u soo gurmadaan dadka sida wuxuushnimada ah loogu dhibaateeyay Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu bulshada reer Baydhabo uu ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si meel looga soo wada jeesto mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Shariif Xasan, ayaa ku waramaaya in hadafka Shabaab uu yahay in la dhibaateeyo dhammaan dadka Somaliyeed, isla-markaana aanay jirin cid ay dhaafayaan, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in la’iska kaashado dagaalka lagula jiro.

Tirada dadka ku dhintay qaraxyadan oo korortay, ayaa waxay gaartay 30 qof, sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Isbitaalka Baydhabo, C/fataax Ibraahim Xaashi.