TOP NEWS:- Kenya iyo Yahuuda oo kala saxiixday heshiis ay kula dagaallamayaan AL-shabaab

0

Madaxweynah Dalka Kenya oo booqasho ku tagay Israel ayaa maamulka Israel ka codsaya in ay ka caawiyaan ladagaallanka Al-shabaab.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, iyo Ra’isalwasaaraha Maamulka Yuhuudda Binyamin Natanyahu, waxaana uu ka codsaday Israel inay siiso taageero dhinaca amaanka ah si ay uga adkaato Al-shabaab.

Kenyatta,waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay mas’uul ka yihiin dhimashada dad ka badan 400 oo Kenyaan ah,kuwaas oo ku dhintay weerarro kala duwan oo A-shabaab ay ka fulisay gudaha dalka Kenya,waxaana uu Israel weydiistay Kaalmo dhinaca Amaanka ah.

Israel,waxaa ay Kenya dhanka amniga ka taareysaa ilaa Sanadkii 2002, markaas oo la qarxiyay Hotelka Baradise ee Israel ku lahayd Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya.

Madaxweynaha Kenya ayaa Madaxweynaha Maamulka Yahuudda ee Xubin Sharafeedka ah Reuven Rivlin,waxaa uu weydiistay in Dowladdiisu ay kordhiso taageerada dhinaca amniga ah ee ay haddaba siiso.

Madaxweynaha Yuhuudda ayaa u badallan qaaday Kenya in ay taageerada dhanka amniga ah u kordhinayaan,sidoo kalena xiriirka diblomaasiyadeed ee 40 Sano jirsaday la xoojinayo.