Maxaa sabab u ah in dowladda Kenya ay bahdisho Madaxda Soomaalida?

0

Dowladda Kenya, ayaa halkeedii ka sii waddo bahdilkii ay ku haysay guud ahaan Madaxda Soomaalida, gaar ahaan kuwa maanta horboodayo Dowladda Federaalka ee uu Madaxweynaha ka yahay faashilka weyn ee Xasan Sheekh. Hadaba maxaa u sabab ah bahdilkaasi xilli Madaxdaasi ay ku celceliso erayo ay ka mid yihiin walaalaheena Kenya ?

inta aanan ka jawaabin su’aashaasi, aan bal marka hore waxoogaa ka waramo cidda ay Kenya tahay, iyo waliba kaalinta ay ku leedahay dhibaatadii ka dhacday dalkeenna, Taasi oo runtii sawir buuxa naga siinaysa cidda aan ka waramayno. Dhabtii Kama warami kartid qof aadan taariikhdiisa aqoonin iyo wixii uu u taagnaaba. Haddii ay taasi dhacdana waxa ay noqonaysaa runtii dulmi iyo cadaaladdarro.

Kenya, ayaa ah wadan xuduud-beenaad la wadaago dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca koonfureed oo aan kala leennahay xuduud isugu jirta bad iyo berriba. Dalkan, ayaa xuriyaddiisa ka qaatay Wadanka Ingiriiska taariikdu markii ay ahayd Disembar 12, 1963. Halka dalkeenna Isaguna uu xuriyaddiisa kala soo laabtay dalalka Talyaaniga iyo Ingiriiska sanadku markii uu ahaa 1960, ka dib halgan dheer oo uu dhiig badani ku daatay.

Dalkan kab-kabka ah, ayaa haysa dhul iyo dad Soomaaliyeed oo uu u gacan geliyey gumaystihii Ingiriiska, oo runtii ahaa cadowga ugu weyn ee ay abid yeelato Umadda Soomaalida ah, Maxaa yeelay Ingiriisku waxa uu ahaa kii bixiyey dhulalka maanta loo yaqaanno Soomali Galbeed iyo NFD, oo ay kala haystaan dalalka Itoobiya iyo Kenya. Wallee taariikhay ma duugowdid mana dhuntid.

Tan iyo markii ay dhisantay waa Kenyee, Waxa ay qeyb ka ahayd dadaal lagu burburinayo dalka Soomaaliya iyo dadkiisa, Iyadoo loo marayo hadba wadadii suurtagal ah, Taasina waxaa daliil u ah hab-dhaqannadii aan aragnay 40-ki sano ee la soo dhaafay. Ma garanaysaa inta jeer ee ay Kenya kala shaqaysay Itoobiya howlo lagu burburinayo Dalkeenna ? Ma og tihiin in Kenya ay xarun u hayd, Islamarkaana ay xarun u tahay kooxo burburinayo Soomaaliya ?

Markii ay Dowladdii dhacday, Waxa ay Kenya halkeedii ka sii wadday qorshaheedii burburinta, Iyadoo isticmaalaysay siyaasadda loo yaqaanno qeybi oo xunkun oo ay isla cayaarayeen Iyada iyo Itoobiya, Si aan mardanbe loo arag dowlad Soomaaliyeed oo dib u sheegata dhulkii loo yaqiinay NFD ee ay Kenyaatigu haystaan,Taasina waxaa daliilkeeda bixiyey Madaxweynihii hore ee Kenya Arap Moi xilli uu ka hor khudbaynayey Jaamacad ku taallo dalka Maraykanka.

Arap Moi, ayaa khudbaddiisa ku sheegay waxa keenay dib u dhaca nabadda Soomaaliya in ay sabab u tahay shakiga ay dalalka gobolku ka qabaan Soomaaliya oo midaysan in ay sii wadi karto riyadeeda is-ballaarinta ah. Hadalkan ka soo baxay hogaamiyahan, ayaa ka marqaati kacayo in dalalka Kenya iyo Itoobiya ay hortaagan yihiin nabad iyo dowladnimo ka dhalata Soomaaliya sababo la xariira cabsi ay ka qabaan in lagu qabsado dhulalka ay ka haystaan Soomaaliya.

Intaasi kuma aysan ekaanine, waxa ay sheegatay qeybo ka mid ah dhul-badeedkeenna, Iyadoo ka faa’iidaysanaysay aqoondarida iyo damanaanta siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku waashay madaxtinimada. Hadana waxaa xigtay Iyadoo gudaha u soo gashay dalkeenna, Islamarkaana ku andacoonaysa in ay dabasocoto dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabab, oo ay ku eedaysay in ay soo afduubteen dad dalxiis ku joogay gudaha dalkaasi !!

Soo gelitaankeeda dalka ayaa ahaa mid sharcidarro ah, maxaa yeelay ma aysan haysan wax ogolaansho ah oo dhanka dowladdii waagaasi jirtay ee uu Madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed, Taasina waxaa daliil u ah hadalkii uu Shariifku ka yiri soo gelitaankii ciidamada Kenya ee gudaha dalka. Wali ma aragteen sharcidarro intaasi ka weyn, Islamarkaana ka qaab daran ?

Haddaan dib ugu soo laabto su’aashaydii ahayd maxaa u sabab ah in dowladda Kenya ay bahdisho Madaxada Soomaalida, gaar ahaan kuwa maanta horboodayo Dowladda Federaalka ee uu Madaxwaynaha ka yahay faashilka weyn ee Xasan Sheekh. Anigu waxa ay ila tahay runtii in ay Iyagu masuul ka yihiin bahdilkaasi sababo badan oo jira awgood oo aan dib ka faahfaahin doonno.

Sidan soo sheegayba, bahdilka ay dowladda Kenya kula kacdo Madaxada Soomaalida waxaa masuul ka ah Iyaga, Maxaa yeelay waa marka hore, waxa ay Kenyaatiga u muujiyeen jileec badan oo aan loo baahnayn. Waa marka labaade, waxa ay horay uga dhiidhin waayeen khaladaad badan oo dhacay. Waa marka sedexaade, waxa ay muujiyeen inayan aqoon badan u lahayn xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan marka la isku xadgudbo.

Arimahan sedexda ah ee aannu soo sheegnay iyo kuwa kale oo lagu darayba, Waxa ay keeneen xaaladdan bahdilka ah. Sideen laguu bahdilayn marka aad cadowgaaga u muujiso jileecaaga ? Sideese laguu quursanaynin marka aad ka dhiidhin weysd khaladaadka had iyo jeer lagugu sameeyo ? Ma og tihiin, in Kenya ay horay u bahdishay wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Cabdixakiin Fiqi xilli uu booqanayey magaalada Kismaayo ?

Ma la socotaan, in Kenyaatigu uu horay u xiray, Islamarkaana garaacay taliyihii ciidamada Dowladda ee gobolka Gedo ninka lagu magacaabo Jeneraal Cabbaas ? Mase ka warqabtaan, in kenyaatiga aan eray lagu oran marka ay gaboodfallo ka gaystaan gudaha dalka sida kuwa ay hadda ka gaysanayaan Gedo oo kale ? Wali ma maqasheen Dowladda Federaalka oo canaan u jeedisay Kenyaatiga ?

Arimahan aan ka soo sheekeeyey, ayaa keenay in la bahdilo Madaxda Soomaalida, gaar ahaan marka ay booqanayaan gudaha dalkaasi (Kenya), Taasina waxaa daliil u ah sidii loola dhaqmay waftigii uu hogaaminayey Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid, oo ay ku jireen xildhibaanno qaran, Kuwaasi oo qaarkood ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Joomo Kenyaata kudhawaad dhowr iyo toban saacadood.

Marka aad u fiirsato sida ay Kenya u qaabisho madaxada ugu saraysa Dowladda Federaalka ee uu waliba ku jiro Madaxweynaha, Waxaa runtii kuu soo baxaysa in Kenya ay tahay dowlad cadow ah. Bal fiiriya sidii ay u kala qaabishay Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Nayjeeriya xilligii ay ka qeybgalayeen aaskii loo samaynayey askartii Kenya kaga dhimatay Ceelcadde. Xasan sheikh, waxaa qaabilay Madaxweyne kuxigeenka Ruto, halka Madaxawaynaha Naayjeeriyana uu qaabilay Uhuru Kinyaata. Sow taasi quursi ma’ahan ?

Mar kale, Xasan waxaa goobtii ay xafladdu ka dhacaysay lagu geeyey gaari, halka Madaxweynaha Naayjeeriyana goobtaasi lagu geeyey diyaarad heelikobtar ah. Kenya kali ma’ahan waxa sidaasi u bahdila Xasan Sheekh, ee waxaa la mid ah dowladda Itoobiya. Bal isbarbardhiga sida Adis Ababa loogu soo dhaweeyo Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo Cabdiwali Gaas oo horjooga u ah maamul beeleed ?

Arimahan dhacayo, ayaa loo aaneeyaa jileeca Madaxweynaha iyo kooxda la shaqaysa oo aan aqoon badanba u lahayn dowladnimada iyo dhaqankeeda. Waxaa sidoo kale loo aaneeyaa safarka faraha badan ee uu Madaxweynaha galo. Ma garanaysaan inta jeer ee uu Xasan Sheekh safray tan iyo markii la doortay ? Ma ogtihiin in safarada qaar ay ku haboon yihin wasiirada iyo shaqaalaha kale ee Dowladda ? Wallee waa ceeboobay magacii Soomaaliyeed, Waxaa isukaashaday juhallo iyo kuwa aan hanba lahayn.

Markan hadalka soo uruuriyo, Madaxda Soomaalida ayaa masuul ka ah bahdilka ay kala kulmaan dowladda kenya ee uu madaxweynaha ka yahay Uhuuru Kenyaata, Maxaa yeelay Iyaga ayaa ka dhiidhin waayey khaladaad badan oo lagu sameeyey. Bal iyaga ayaa hor-ordayo Kenyaatiga. Sow maydan dhegaysan hadalkii beenta ahaa ee uu Axmed Madoobe ku difaacayey Kenyaatiga barakicinta ku hayo Shacabkii ku noolaa Gedo ?

Waan ku celinayaa markale, Bahdilka lagu hayo Madaxada Soomaalida, gaar ahaan kuwa booqda Kenya, Waxaa masuul ka ah isla Madaxada Soomaalida, Maxaa yeelay Iyaga ayaa cadowgoodii isu dhiibay, Islamarkaana u muujiyey jileecooda, waana sababtaasi sababta ay u dhacayaan waxyaabaha aan maanta ka waramayno. Dabcan, waa lagu bahdilayaa haddii ishaada laga arko xitta haddii aad ku celcelinayso walaalaheenna Kenya wixii la mid ah.

Gabagabadii iyo gunaanudkii, Waxaa soo jeedinayaa talooyin dhowr ah oo aan isleeyahay, Waxa ay xal u noqon karaan masiibooyinkan qaran ee nagu habsaday ee ay sababta u yihiin niman aan kala aqoon cadow iyo walaal. Bal aan kala aqoon waxa xun iyo waxa san, islamarkaana aan aqrin taariikhda iyo waxa ay xanbaarsan tahayba. Waxaanna talooyinkaasi ka mid kuwa soo socdo:-

1-In dalka laga saaro dhammaan ciidamada Kenya ee fuliyada ah.

2-In la jaro dhamaan xiriirka lala leeyahay Kenya, maadaama ay shaqo ka dhigatay bahdilka Madaxada Soomaalida.

3–In Madaxada Soomaalidu ay isticmaasho khadad kale, gaar ahaan marka ay u socdaalayso dalal kale.

4-In la yareeyo safaradan tirada badan, gaar ahaan kuwa lagu tagayo dalalka Itoobiya iyo Kenya.

5-In dalka laga joojiyo dhammaan jaadka ka imaanayo Kenya.

W/Q: Maxamed Ibraahim
Al-faatix1960@hotmail.com