Madaxweynaha Puntland oo booqanaya Canada

0

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safarkii ugu horreyay tan iyo marku xilkan qabtay waxuu ku tagaya magaalada Toronto ee caasimadda Canada,sida lugu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Cabdiweli ka hor safarkan waxuu tagaya magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota oo ka tirsan woqooyiga waddanka Maraykanka,waxaana halka ku nool dad badan oo ka soo jeeda Puntland.

Wax-yaabaha uu salka ku haya safarada madaxweynaha ee dalalka Ameerika,waxaa la sheegay inay xiriiran sidii uu kulamo ula qaadan lahaa jaaliyadda Puntland ee dalalka iyo mas’uuliyin ka tirsan Canada iyo Marekanka.

“Madaxweynaha waxuu booqanaya magaalada Minneapolis iyo caasimadda Toranto ee dalka Canada,safaradan oo qayb ka ah kuwa uu ku jooga Ameeriga,waxeyna quseeyaan sidii uu jaaliyadaha ula kulmi lahaa,”ayaa lugu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo Raxanreeb la soo garsiiyay.

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli ayaa hadda ku sugan magaalada Washington ee xarunta dalka Marekanka,waxaana mas’uuliyin uu halka kula shiray ka mid ah ku-xigeenka xog-hayaha arrimaha dibadda Marekanka,ahna uqaabilsanaha arrimaha Afrika Marwo Linda Thomas-Greenfield.

Waa safarkii ugu horreeyay ee u madaxweynaha ku tago Ameerika,tan iyo marku la wareegay hoggaanka Puntland.