Madaxda ka socota Midowga Afrika oo koormeer u aadaya Dalka Burundi

0

Midowga Afrika ayaa shaaciyay in dalka Burundi ay u dirayaan boqol kormeerayaal xaquuqul insaanka ah iyo boqol askari oo dusha kala socda xaaladda dalkaasi.

Waxa uu midowgu sheegay in Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza, uu taageersan yahay qorshahaasi.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa horkacayay wafdi ka kooban shan hogaamiyeyaal oo Afrikaan ah oo usbuucan booqasho laba maalmood ah ku tagay dalkaasi.

Wafdigan ayaa waxa uu la kulmay madaxweyne Nkurunziuza iyo laba hogaamiye oo kuwa mucaaradka ah oo dalka ku haray inkastoo dalkaasi ay xasaarad ka dhacday bishii Abriil kaddib markii Nkurunziza uu shaaciyay in uu mar kale xilkaasi u tartamayo.

Midowga Afrika ayaa sheegay in dhexdhexaadiyaheeda, oo ah Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku qaban qaabin doono wadahadalo loo dhan yahay.