DHAGEYSO:- Madaxda Dalalka AMISOM oo maanta ku shiraya Dalka Jabuuti

0

Shirkan looga hadlayo howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynayaasha dalalka ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirkaasi ka qeyb galay, waxaana shirka diirada lagu saarayaa howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay wasiirada arimaha dibada dowladaha ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo wasiirka arimaha dibada xukuumada Soomaaliya C/salaam Cumar Hadliye.

Ujeedada waxa ay tahay sidii dib loogu eegi lahaa howlgalka iyo hagaajinta hanaankahowlgalka AMSIOM, la shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobada la isku raaco.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cumar Hadliye, ayaa waxa uu u mahadceliyay ciidamada AMISOM, wuxuuna baraarujiyay qorsheynta wada shaqeynta AMISOM iyo ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Madaxa nabadda iyo amniga ee AU, Smail Chergui waxa uu tilmaamay in howlgal adag oo ka dhan ah kooxda Alshaab si degdeg ah loo billaabo.

wuxuuna ku baaqay in dalalka ciidamada geeyay Soomaaliya ay la yimaadaan qorshayaal lagu xaqiijinayo dhaqaale wanaagsan in loo qoodeeyo howlgalada ciidan.

Go’aano muujinaya sida loo wada shaqeyn karo oo ay soo saareen wasiirada arimaha dibada dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa maanta loo gudbinayaa madaxweynayaasha ku sugan Jabuuti oo maanta kulan gaar ah leh.

Hoos ka Dhageyso Codka:-