Maamulka Galmudug: ”Al-shabaab iyo Burcad badeeda wada shaqeyn ayaa ka dhaxeysa”

0

Maamulka Galmudug, ayaa si cad u sheegay inuu jiro xiriir wada shaqeyn ah oo ka dhaxeeya Kooxaha Burcad badeeda Somalida iyo Kooxda Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Somaliya.

Maxamuud Maxamed oo ah Taliyaha Howlgelinta ciidamada Galmudug ee gobolka Mudug ayaa hadalkaan sheegay, wuxuuna cadeeyay inay jirto xiriirka Burcad badeeda iyo Shabaabka ka dhaxeeya.

Taliyaha ayaa sheegay in saameyn badan uu ku yeelan doono dadka shacabka ah xiriirkan ka dhaxeeya Labadaasi dhinac, waxaana uu sheegay in ciidamada ay ka hortagi doonaan arrintaasi.

Waxa uu cadeeyay si iskumid ah inay ula dagaalami doonaan Burcad badeeda iyo Shabaabka labadaba si deeganada Galmudug looga sifeeyo.

“Al-shabaab iyo burcad badeedda waa Labo isku hadaf ah, isku si ayaan ula dagaallameynaa, hadane waad ogeyd xilli aan dheerayn howlgallo dhowr ah oo qaarkoodna laga sameeyay deegaanno ka mid ah gobolka Mudug, qeybna laga sameeyay gobolka Galgaduud Labadooduba looga fara maroojiyey ajaaniib ay qafaasheen, qeybaha dhimanna waan rajeyneynaa xilli aan dheereyn inay iyagu is soo dhiibaan walibana ay inoo soo gacan geliyaan dadka ay haystaan” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa ku hanjabay inaysan u dulqaadaneyn in Burcad badeeda deeganada Galmudug ay ku haystaan dad Ajaanib ah  oo Afduub ahaan halkaasi loo geeyay.

Deegaanno ka tirsan Galmudug waxaa ku sugan Al-shabaab, dhinaca kalene waxaa deegaannadaasi kooxaha burcad badeedda ah ay ku haystaan dad ajaaniib.