Hilary Clinton oo guul taariikhi ah gaartay iyo dad badan oo soo dhaweeyay guusheeda

0

Hillary Clinton ayaa si weyn kaga adkaatay ninka ay loolamayaan ee, Bernie Sanders, oo ay isku haystaan qofkii doorashada guud ku matali lahaa xisbiga Dimiquraadiga.

Guusheedaasi ayaa waxa ay ka gaartay gobolka South Carolina oo codad aad u badan ay ka heshay.

Natiijada waxa ay muujineysaa in Mrs Clinton ay si xad dhaaf ah taageero ballaaran uga heshay dadka asalkooda Afrikaan ka yahay ee gobolkaasi.

Khubad ay jeedisay guusheeda ka dib, Mrs Clinton waxa ay ballan qaaday inay sii wadeyso xaqiijinta ah sidii ay u helilahayd codka qofkastaa si au doorashada guud ugu gudubto.

Ayadoo aan magacaabin ayey Hilary Clinton weerar afka ah ku qaaday musharaxa ugu cadcad Jamhuuriga ee Donald Trump.

Waxa ay sheegtay in halkii derbi la dhisi lahaa in dadka Mareykanka ay u baahan yihiin in xuduudaha la baabi’iyo.

Codeynta South Carolina waxa ay dhacday seddax maalin ka hor, maalinta loo yaqaano Talaadada Muhiim ka ah, xilligaas oo 11 gobol laga cdeyndoono, laguna ogaanayo qofka guuleystay labada dhinacba.