Halxidhaale: Garan waayay aniguye dadyoow, sheega gulucdeeda !! Dareenka shacabka Somaliland iyo rafaadka Somalia haysta.

0

Dhamaan umadda somaaliyeed waan idin salaamay meel aad joogtaanba.
Waxan halkan idiinku soo gudbinayaa waydiin sugaysa war celin amase su`aal sugaysa jawaab. Waxaa soo gudbinaya Rooble oo ah wiil reer Somaliland ah.

Rooble wuxuu ka midyahay dadka aaminsan in Jamhuuriyadii soomaalida ee burburtay, ay dib ugu noqoto marxaladdii ka horeysay midnimadii 1960 kii oo la kala ahaa 2 dawladood oo soomaaliyeed oo kala ah Somalia iyo Somaliland.

Bal aan udaayo hadalka walaalkeen Rooble:

Waxay fariintani ku socotaa dhamaan umadda soomaaliyeed oo ay ku jiraan dadka reer Somaliland.

Sida ku jirta heesta ay wada qaadaan Farxiyo Fiska iyo Nimco Yaasiin ee magaceedu yahay JEES, waxaa jiray shan soomaliyeed oo dhul gaar ah iyo geyi wada daga.

(Shanbaa jiray wada dhashoo – Dix iyo karin wada dagoo
Jidiinka la quuto iyo maryaa kala jeexan jiray)

Shantaa waxa ka mid ah dadka Somaliland oo ah curadkii ugu waynaa walaalahaa shanta ah. Allah mahaddii maanta waa dhul nabad ah balse walaalohoodii kale ee Somalia, waxay maanta ku jiraan xaalad taas ka duwan.

Waayadan danbe inta u dhaxaysa Raaskaambooni ilaa Raas casayr, waxa ka dhaca dhibaato aan loo adkaysan karin oo ay ugu horeeyaan qaraxyada iyo weerarka lagu hayo bulshada soomaaliyeed ee dhulkaas ku nool.

Sidaa awgeed dadka soomaaliyeed ha iiga soo jawaabaan hal xidhaalahan aan gabayga ku cabiray, Tix iyo Tiraab Maay iyo Maxaa tidhi hadba kii kuu fudud iigu soo jawaab. Ujeedada su`aashuna waxa weeye maxaan maalin kasta la damqadaa amase la ooyaa markaan TV yada iyo Youtube ka ka daawado dhibta haysata walaalaha soomaaliyeed ee aan kala soo noqonay dawladdii aan ku darsanay 1960 kii?

Goortay gariirkiyo bambadu, gooyso hilibkaaga
Ama gaal madoow iyo mid daran, xoogo gabadhaada
Ama gabannadii aad dhashayba, gawrac lagu jiido
Oo gaadhi miiniyo wax baas, geerida xanbaara
Gam kasiiyo hooyooyinkiyo, duqey wax aan geysan
Goblankiyo haweenkaa la baday, geeri-nololeedka

Kol hadaaban kaa guuray, amase kaa goostay
Oon dawlad gaara iyo noqday, gobolo jaarkaa ah
Garan waayay aniguye maxaa, gama´a ii diidey
Gibilkiyo korkaygaba maxaa, xaada guranaaya
Gobo´da iyo ilmada kulul maxaa,goortan iga keeney

Garan waayay aniguye dadyoow, sheega gulucdeeda!!

W/Q:Ahmed Wiilmadar
ahmed.wiilmadar@gmail.com