DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalkii maanta ka dhacay degmada Mahadaay

0

Gudoomiyaha degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/dhexe Axmed Xuseen Afrax ayaa ka warbixiyay dagaalo maanta ka dhacay degmada Mahadaay.

 
Gudoomiyaha waxa uu sheegay in dagaalka uu u dhaxeeyay Ciidamada dowlada oo taageero ka helayo kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab.

 
waxa uu sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen Al-Shabaab isla markaana ay ka guuleysteen.

 
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay sii wadayaan dagaalka oo ay Al-Shabaab ka saarayaan tuulooyinka ay kaga sugan yihiin degmada Mahadaay.

 
Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa wada howl galo ay Al-Shabaab kaga saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Sh/Dhexe, waxaana Al-Shabaab maalihii dambe lagala wareegay deegaano ka tirsan gobolkaasi oo ay horay ugu sugnaaayee.

Hoos ka Dhageyso Codka:-