Duqeyn Culus oo ka dhacay Dalka Suuriya iyo khasaaro badan oo ka dhashay

0

Wararka ka imanaya Suuriya ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay weerarreen dhowr deegaan oo ku yaalla waqooyiga gobolka Xalab, maalin ka dib markii ay dhaqan gashay xabbad joojin laga gaaray colaada dalkaasi.

Ma cadda kooxda lagu bartilmaameedsaday duqeymaha.

Ruushka ayaa sheegay in inta ay socoto xabbad joojinta uu sii wadi doono weerarrada ka dhanka ah ururada lagu tilmaamay argagixisada, in kasta oo aanay diyaaradihiisa wax weerar ah qaadin markii ay xabbad joojinta dhaqan gashay.

Xabbad joojinta ayaa u muuqata mid ka jirta qeybaha kale ee Suuria, in kasta oo lasoo sheegayo weerarro goos goos ah.

Hay’addaha samafalka ayaa rajeynaya in ay gargaar gaarsiiyaan deegaannada go’doonsan.

Xabbad joojinta ayaa waxaan qeyb ka ahayn ururka isku magacaabay dowladda Islaamka iyo xooggaga Al-Nusra ee taabacsan Al-Qaacida.

Xigasho BBC