DHAGEYSO+AQRI WARBIXIN XIISO LEH:- Dowladda Somaliya oo xilligan garowsatay Aragtidii Mungaab Labo Sano Ka Dib

0

Waxa ugu wayn ee haatan dowladu isha ku haayo ayaa ah amaanka wadanka haba ugu badnaatee amaanka caasimada, waxaana dowladu ay dagaal caalami ah kula jirtaa Al-Shabaab oo xiriir la leh ururo badan oo ka dagaalama qaybo ka mid ah caalamka.

Weerarada ugu badan ee AL-Shabaab ay sheegtaan ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho oo fadhi u ah dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxaana lays waydiinayaa maxaa keenay arintaas maadaama magaalada ay joogaan ciidamo badan oo AMISOM ah kuwo Boolis ah iyo ciidanka Nabadsiga.?

Gen. Cabdirixmaan Maxamed Tuuryare oo ah taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya ayaa ka jawaabay su’aashaas, wuxuuna qiray inay jirto isku halayn badan oo xaga hay’adaha amaanka ah taas oo keenta inuu dayacmo amaanka caasimada.

Dhamaan Hay’adaha amaanka hada go’aan ayay qaateen waxaana la go’aamiyay in amaanka magaalada looga danbeeyo duqa magaalada Muqdisho iyo maamulkiisa, xili magaalada ay ka dhaceen weeraro badan oo masuuliyadooda ay sheegteen Al-Shabaab, kuwaasi oo uu ugu danbeeyay weerarkii lagu doonayay in lagu galo hotelka SYL oo ka soo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya.

Gen. Tuuryare ayaa sheegay xiligaan wixii ka danbeeya in guud ahaan amaanka lagula xisaabtami doono maamulka gobalka Banaadir, wuxuuna sheegay in meesha ay ka bixi doonaan isku halayntii iyo isku tuur tuurkii mauuliyada amaanka.

MA ISTIRI HADALKII GUDOOMIYE MUNGAAB AYAA HADA LA GAROWSADAY LABO SANO KA DIB.?

Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Gen. Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa wax yar ka dib markii xilkaasi loo magacaabay Bishii March ee sanadkii 2014-kii wuxuu sheegay in amaanka magaalada Muqdisho in asaga looga danbeeyo inay tahay mid sharci ah, waxaana xiligaas dadka Muqdisho uu la galay balan.

“Waxaan idiin sheegayaa inay muhiim tahay ama sharci ay tahay in Booliska gobalka iyo Nabad Sugida gobalka ay hoos yimaadaan Duqa Muqdisho oo ay ka amar qaataan, hadii aysan taas dhicin waxaan idiin cadaynayaa in fashilka amaanka amaanan masuul ka ahayn, sidoo kalana dadka aysan ka sugayn sugida amaanka.” sidaasi waxaagudoomiye Mungaab.

Nasiib daro xiligaas gudoomiye Mungaab lagama aqbalin dalabkiisii iyo aragtidiisii sugida amaanka caasimada, sidoo kalana saraakiisha amaanka iyo madaxda dowlada wax jawaab ah kama bixin qorshahaas uu watay gudoomiye Mungaab.

Inkastoo ay dadaalayaan hay’adaha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa hadana dadaalkaasi waxaa bar bar socda dhacdooyin xanuun badan oo uur ku taalo ku noqday shacabka Soomaaliyeed.

Dadka qaar ayaa qaba go’aanka amaanka caasimada loogu wareejiyay duqa magaalada Muqdisho inuu yahay kii ugu wanaagsanaa oo lagu wajahayo xal u helida guud ahaan gobalka Banaadir, maadaama ay muhiim tahay fashil iyo guulba cid qaado oo lagula xisaabtamo, halka sidoo kale dadka qaar ay  qabaan in arintaan ay u baahantahay diyaarin iyo isku xirbadan maadaama qorshahaan horay maamulka gobalka banaadir iyo hay’adaha amaanka sida booliska iyo nabad sugidaba aysan oga soo wada shaqayn.

Gunaanadkii Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ah nin ku cusub xilka wuxuuna doonayaa inuu sameeyo isbadal badan, laakiin waxaa laga war dhowrayaa sida ay u wada shaqeeyaan maamulka gobalka Banaadir iyo Talisyada Amaanka ee gobalka sida Nabad Sugida iyo Booliska.

W/Q Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar, WAXAANA SOO JEEDINAYA MAXAMED CIISE

HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA