DHAGEYSO:- Wasiiro iyo Xildhibaano oo kulamo gaar gaar ah ka wada Baladweyne

0

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Balad weyne ka wada kulamo lagu qancinayo beelaha dega gobolka Hiiraan ee ka soo carowday shirka ka soconayo magaalada Jowhar.

Madaxdaasi ayaa Waxgaradka iyo Odayaasha ay la kulmeen waxay kala hadlayaan in ay ka shaqeeyaan dhismaha maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya ee ku sugan maagalada baladweyne ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan kulamada ay la qaadanaya waxgaradka iyo odayaasha gobolka Hiiraan.

Waxa uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan sidii ay qancin lahaayeen beelaha dega gobolka Hiiraan isla markaana ay qeyb ugu noqon lahaayeen dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo la doonayo in dib bilaabo shirka lagu dhisayo Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo hada hakad ku jira.

Sidoo kale waxaa soconayo kulamo wada tashi ah oo loogu hadlayo sidii beelaha dega Hiiraan dib loogu celin lahaa shirka Jowhar.

Halkaan ka dhageyso