DHAGEYSO:- Shan ruux oo Somali ah oo ku geeriyooday dab ka kacay guri ay ka deganaayeen dalka Sacuudiga

0

Wargeyska Sabaq ee ka soo baxa caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaadh ayaa qoray inay qoys Soomaali ah oo ka kooban Hooyo, Aabe iyo 3 carruur ah ku geeriyoodeen dab ka kacay gurigooda oo ku yaalla Degmadda Aljameeca ee Koonfurta magaalladda Jidda ee kaabiga ku haysa Badda Cas.

Wargeyska waxa uu qoray inay Ciiddanka Difaaca Maddaniga u soo gurmadeen Qoyskaasi, balse markii ay guriga jebiyeen ugu tageen qoyska oo wada geeriyooday, waxaana la sheegay inay saddexda carruurta ah ay ku caburmeen qiiqa ololka qabsaday labada qol ee ay Reerkaasi degganaayeen.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Maddaniga ee magaalladda Maka Almukarama, Kolonel Saciid Sarxaan ayaa sheegay inay bilaabeen Baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay dabka ka dhacay dhismaha ay ku geeriyoodeen Qoyska Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee, Safaaradda Soomaaliya iyo Qunsulliyadda magaalladda Jiddah wax war ah kama soo saarin khasaaraha soo gaaray Qoyska Soomaalida ee ku wada geeriyooday masiibadaasi ka dhacday magaalladda Jidda.

Halkaan ka dhageyso