DHAGEYSO:- Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab oo ka dhacay Deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay dagaal ku qaadeen Deegaanadii ugu dambeeyay ee ciidamada Dowladda ay la wareegeen.

Deeganada Al-Shabaab ay soo werareen, ayaa kala ah Deegaanka Qoordheere oo hoostagga deegaanka Raage Ceele ee Gobolkaasi iyo Deegaanka Biyo Cadde oo isna ku dhaw Degmada Mahadaay.

Saraakiisha ciidamada Dowladda oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay inaysan ka hadli Karin dagaalkaan, sidoo kale waxaan la ogeyn Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay.

Al-shabaab ayaa maalin ka hor lagala wareegay gacan ku heynta deegaanada War-ciise iyo Qoordheere oo kamid ah deegaanada ku yaala bariga Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa bilihii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday gobolka Shabeelaha Dhexe.

Halkaan ka dhageyso