TOP NEWS:- Muwaadiniin Soomaaliyeed oo mudo ka badan 10-Maalmood ku xayiran Garoonka Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

0

Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa sheegaya in Muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiro ahaan gaaraya ilaa iyo 6 Ruux in ay xayiran yihiin Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo lagu xanibay Garoonka Jomo Kenyatta muddo 11 maalmood ah ayaa sida la sheegay waxey ku wajahnaayeen Magaalada Khartoum ee Dalka Sudan, iyadoona weli aan la shaacin ujeedka ay halkaasi ugu xayiran yihiin.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay Idaacadda Shabelle, isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa sheegay in Soomaalidaasi ay xaalad nololeed ku heysto gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Xildhibaan Dalxa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sidoo kale uu qeexay in uu taleefonka kula xiriiray Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay Dalalka Kenya iyo Sudan balse sida uu hadalka u dhigay aan laga jawaabin wicitaankiis.

Todobaadkii la soo dhaafay ayee aheyd markii Wafdi ballaaran uu hogaminyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya lagu xiray saacado badan gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.