Shir ay isugu yimaadeen Wasiiro ka kala socda wadamada Soomaaliya ciidamadooda ay ka joogaan oo ka furmay Jabuuti

0

Kulan looga hadlayo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, islamarkaana ay isugu yimaadeen Wasaiiro ka kala socda Wadamada ay Ciidamadoodu ka joogaan Dalka Soomaaliya ayaa waxuu ka socda Magaalada Jabuuti ee Xarunta Dalka Jabuuti.

Kulanka oo ay si wadajir ah u shir guddoominayaan Wasiirka Difaaca ee Dalka Jabuuti Xasan Dharaar Hufane iyo Madaxa Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa waxaa lagu faaqidayaa horumarka laga sameeyay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cumar Hadliye oo kulankaasi ka qeyb galay ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay wiiqeen Al Shabaab .

Isagoo sii hadlaya ayaa Wasiirka waxuu ku dhiira geliyay Saraakiisha Ciidamada Huwanta ahi in ay sii wadaan howlgallada militari ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, oo uu ku sifeeyay mid looga awood roonaan karo Xarakada Al Shabaab.

Madaxa Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika oo isna hadlay ayaa ka dalbaday mas’uuliyiintii ka qeyb gashay Shirkaasi, in ay taageeraan islamarkaana agabkooda militari ay u dhameystiraan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Sikastaba, Kulankan ka socda Magaalada Jabuuti ee Xarunta Dalka Jabuuti ayaa ah mid ay isugu xog waramayaan Wasiirada arima Dibadeedyada Dalalka ay Ciidamadoodu joogaan Soomaaliya.