Qarax Xoogan oo ka dhacay dalka Afghanistan iyo Khasaaro ka dhashay

0

Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku naf waysay Afartameeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax uu fuliyay ruux is miineeyay oo ka dhacay bariga wadanka Afghanista.

Gudoomiyaha gobolka Kunar ee dalka Afghanistan Waxiidullahi Kalizaay ayaa u sheegay warbaahinta in qofka is qarxiyay oo watay mooto inuu bartilmaameystay gaari uu saarnaa hogaamiye qabaa’ileed la yiraahdo Xaaji Khaan Jan oo dadka geeriyooday ka mid ah.

Warbaahinta ayaa baahisay in dadka ugu badan ee waxyeeladdu gaartay ay rayid yihiin waxaana marka qaraxu dhacayay ay ku sugnaayeen suuq ay ka dukaamaysanayeen.

Hogaamiyaan la dilay ayaa u taliya ciidamo u abaabulan hab beeleed waxaana uu dhawr jeer la dagaalamay ururka Taliban.