Natiijooyin hor dhac ah oo ka soo baxaya doorashadii baarlamaaniga ee Dalka Iran ka qabsoontay

0

Natiijooyin hor dhac ah oo kasoo baxaysa doorashadii baarlamaaniga ah ee ka dhacday dalka Iran ayaa muujinaysa inay hogaaminayaan xisbiyada isbadaldoonka ah iyo kan qunyar socodka ah ee dalkaasi ka jira.

Inkastoo aysan willi natiijo rasmi ah soo bixin haddana wararka qaar ayaa sheegaya inaysan jirin xisbi illaa hadda aqlabiyada kuraasta baarlamaanka sheegan kara.

Wakaaladaha wararka dalkaasi ka jira iyo kuwa caalamka ayaa baahiyay in xog ay heleen ay muujinayso in xisbiga talada haya uu kuraas badan lumiyay doorashadaan taasoo ka dhigan in M/weynaha talada haya uu loolan badan la kulmi doono.

Qiyaastii 55 million oo qof ayaa Jimcihii codkooda dhiibtay waxaana illaa hadda la tiriyay 70% codadkii la dhiibtay.