DHAGEYSO:- Qaraxyadii Muqdisho oo saameyn ku yeeshay Guriga Hooyooyinka iyo burbur xoogan oo soo gaaray

0

Guriga Hooyooyinka oo Xarun u ah Ururka Haweenka Soomaaliyeed sidoo kalana ay Xarumo ku leeyihiin Wasaarada Xukuumada Sooomaaliya iyo Shirkado kale oo badan ayaa waxaa Saameyn Xoogan ku yeeshay Qaraxii ka Xalay ka dhacay Agagaarka Hotelka SYL ee Muqdisho.

Waxaa gabi ahaanba aan badqabin Xafiisyadii ku yaalay Guriga  Hooyooyinka iyada oo aysan jirin Al Baab Xirmaya oo intooda badan waxaa ay Noqdeen kuwo wada Furmay.

Canab Xasan Cilmi Gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka waxaa ay sheegtay Guriga Hooyooyinka uu Qasaaro xoogan Soo gaaray iyada oo sidoo kalana ay Burburigeen Qalabkii lagu Shaqeynayey iyo kuwii Haweenka  Waxbarashadooda loogu talagalay.

Dhanka kale Canab Xasan Cilmi waxaa kale oo ay Sheegtay in Ururka Haweenku Awood u laheyn in ay dhisaan Gurigan Balse ka codsanayaan Dowlada Soomaaliya in ay taageerto.

Qaraxii Xalay ayaa waxaa dhintay Dad badan iyadoo sidoo kalana ay ku dhawacmeen  kuwo kale sidoo kale waxaa Saameyn aad u balaaran soo gaartay Guryaha iyo Goobaha Gagancsiga ee ka agdhawaa Hoteelka SYL.

Hoos ka Dhageyso Codka:-