DHAGEYSO:- Midowga Yurub oo dhimaya dhaqaalaha uu siiyo AMISOM

0

Midowga Yurub ayaa shaaciyay  iney yareynayaan taageerada dhaqaalaha oo ay siinayaan ciidamada AMISOM ee howlgalka u jooga dalka Soomaaliya sababo la xiriiro xadeyn dhaqaale.

Midowga Yurub ayaa sheegay inuu 20 % yareynayo dhaqaalaha uu siinayay ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya, iyadoo go’aankaasi uu cambaareeyay midowga Africa.

Ciidamada AMISOM ayaa gaaraya 22 kun oo askari waxayna ka yimaadeen dalal ku yaala bariga qaarada Africa, sida Jabuuti, Kenya, Ethiopia iyo dalka Uganda.

Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa  ah ilaha kaliya ee dhaqaalaha ugu badan ka halaan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga, waxaana go’aankaasi si weyn u dhaliilay midowga Africa.

Wakiilka Midowga Yurub ee midowga Africa Gary Quince ayaa shaaciyay iney taageersan yihiin howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya, balse ay yareynayaan dhaqaalaha ay siin jireen.

Wuxuu sheegay iney rajeynayaan in hayadaha kale ee taageera AMISOM ay buuxin doonaan dhaqaalaha Midowga Yurub uu hoos u dhimay.

Wakiilka Midowga Yurub ee African Union ayaa sheegay in dhaqaalo jarida ay sameeyeen inuusan saameyn doonin howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-