MAREEXAAN: Maxuu Doonayaa Siyaasiga Dadkiisa Aan Mideyn Karin In La Mideeyana Diidaya?

0

Ugu Horeyn waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka ASC WR WB guud ahaan walaalaha Soomaaliyeed gaar ahaana dadka kasoo jeeda gobolada Galguduud iyo Jubbaland amaba aan iraahdo’e bulsho weynta beesha Sade.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland Axmed Madoobe uu magaalada Kismaayo ka furay shir Dib u heshiisiin oo Wajigiisa koowaad ay yeelanayaan dadka kasoo jeeda Beesha Sade si loo mideeyo Siyaasiyiinta Beesha Sade ee isdiidan.

Shirkan ayaa wajigiisa labaad waxaa qorsheysan in dib u heshiisiin loogu sameeyo beelaha Ogaadeen iyo Mareexaan, kadibna loo kaco awood qaybsi si cadaalad ah lagu saleeyay oo uu yeesho Maamulka Jubbaland.

Durbaba Shalay waxaa soo shaac baxay oo aan shaqsiyan TV-ga  HCTV  ka daawaday in sadex Siyaasiysi oo kasoo jeeda beesha Sade, waa Col. Bare Aden Shire (Bare Hiiraale), Dr.Cabdi Shire Warsame , Xildhibaan Maxamuud Cali Magan ay ka biyo diideen shirka Kismaayo uga furmay Siyaasiyiinta Beesha Sade, sidoo kalena iyagoo sheegay in Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland Axmed Madoobe uu baalmaray balantii la galay.

Waxaan ogsoon nahay qof walbaa oo kalena uu ogsoon yahay oo aan been ahayn in Siyaasiyiinta Beesha SADE ee Muqdisho ama Kismaayo iyo meelo kaleba kee doonaanba ha joogaan in ay iska soo horjeedaan oo ay yihiin kuwo kooxo kala duwan ku kala xiran ama u shaqeenaya,  taas oo sababtay in dib u dhac dhan walba ay soo wajahdo beesha Sade iyo deegaanadooda,  haddii la yiri amaba uu Axmed Madoobe Yiri suu doonaba ha ulla jeedo’e, Siyaasiyiinta Beesha SADE ha shiraan hana u midoobaan danta guud ee beeshooda, hana ila xisaabtamaan ma caaybaa mise waa wax qof lagu eedeeyo?

Runtii Waa garasho xumo, waa siyaasad xumo, waana waxaan ahayn dhaqan Gobeed in la xag xagto ama warar warbaahinta loo mariyo ninka waxaan nahay nagu sheegay islamarkaana nagu yiri car ii midooba oo iska key dhacsha, qofkii dhiig leh caqligiisuna wanaagsan yahay, siyaasiga wanaagsan ee qibrada fog leh iyo bulshada wanaagsan waxay sameyn lahaayeen ayagoon meelaha ka qayl qaylin ama warbaahin ka hadlin inta ay soo dhaweyaan hadalkaas islamrkaana u midoowno inay ninka iska dhiciyaan lana xisaabtamaan. waa hadii loo adeegayo danta bulshada ee aan la ilaashaneyn dano kale oo gaar ah.

Dhanka kale aduunkan maanta aan joogno waxa ay dadka ama deegaanada horumarka ku gaaraan amaba ay wax isaga dhacshaan waxaa ugu horeeyaa waa MIDNIMO, dadkeena duljoogtada ah ee daawanayana waxa socda deegaanadeena waxaa nalaga doonayaa inaan isweydiino su’aasha ah, Maxuu Doonayaa Siyaasiga Dadkiisa Aan Mideyn Karin In La Mideeyana Diidaya amaba ay midoobaan? waa inaynana iska amausnaan ee aan wax kala dhahnaa Siyaasiyiinta kala fikirka duwan, waa inaan kan qaldan bulshadeena iyo deegaanadeenaba ka qabanaa.

Akhyaarteena duljoogtada ah aan ku qanacno, runtana nafteena aan u sheegno in aduunka maanta aan joogno ay ka dhamaatay waan ku habsaday, qori AK47 ah oo lala ordo, indho gaduudin joogto ah, qaylo dhaan waan diidnay ah oo warbaahita laga yiraahdo, shaqsiyaad leh anagaa kaadideen usoo cabnay, waxaanan aniga oran cid kale ma oran karto iyo looma dhama, horumar laguma gaaro, siyaasinimona ma,ahan, waana waxa bulshada la hara,  Ragna leyskagama dhacsho sidaas ee Maxaa talo ah oo lagu bad baadin karaa dadkan beesha SADE ee ay Siyaasiyiinta noocaan yihiin ee  nin walbaa idaacad gaar ah wax kasoo dhageysto diloodeen? Jawaabtaas iyo xalkeeda Akhyaarta duljoogtada ah ayaa laga doonayaa. ogoowna Qabyaalada, Eexda iyo Nin Jecleysiga Waa Qurmuun tahay.

Gabagabadii haddaan nafteyda ka bilaabo waxaan ku talinayaa oo aan qabaa inay muhiim tahay talaabo walba oo la qaadayo in laga hormariyo sidii loo mideyn lahaa Siyaasiyiinta Beesha SADE ee nin walba kabanka nooca kale ah garaacanayo, kadibna loo gudbo in lala xisaabtamo ummadaha kale ee aan wadaagno deegaanada iyo dalka ee nagula nool Soomaaliya, haddii taas wax kale laga hormariyana waxaan qabaa in aan wax natiijo horumar dhan walba ah amaba guul ah aan laga gaari doonin waxii leysku dayo in la qabto. Walaaleyaal Duljoogto furaha lumay waa Furihii MIDNIMADA ee hala doono Furaha MIDNIMADA Beesha SADE.

Wabilaahi Towfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
RUN SHEEG WAA CEEB SHEEG