Dowlada Masar oo sheegtay in la soo riday diyaarado dagaal oo laga leeyahay Ruusha

0

Madaxwaynaha Dalka Masar Cabdel Fattax Al Siisi ayaa markii ugu horaysay sheegay in diyaaradii Ruushka ee ku dhacday gacanka Sinai ay soo rideen argagixiso.

Isagoo ka hadlaya Telefishinka, ayuu sheegay in weerarka loogu tala galay sidii qasaaro loogu gaysan lahaa dalxiiska Masar iyo xiriirka ay la leedahay Ruushka.

Ruushka ayaa sheegay in diyaarada bomb lagu qarxiyay, iyadoo ay ku dhinteen laba boqol iyo labaatan afar qof.

Sisi ayaa horaan u diiday diyaarada inay soo rideen argagigixiso

Xigasho BBC