SHIRKA TURKIGA IYO DOORKA PUNTLAND.

0

Waxan wada ogsoonahay in shirwayne hada kahor loogu qabtay soomaalida dalka ingiriiska.waxaan la wada soconaa in shirkaa qaybtiisii labaad lagu qabtay Turkiga.waxaan shaki ku jirin in dawladaha reer galbeedka ay doonayaan in ay dhacaan kana faa iidaystaan markakan khayraadka soomaaliya dhex ceegaaga ee sababaya in soomaaliya lagaliyay qalalaasahaas siyaasadeed ee ka socda mudada rubuc qarniga ah.waxa meesha yaalaana waa khayaraadka dabiiciga ah ee soomaaliya oo larabo,loona rabo si dhac dadban ah.

Turkiga waxaa lasiiyay sidii aan hore inbadan u shegnayba,dib u dhiska soomaaliya iyo arimo ganaacsi oo kale,halka maraykan iyo ingiriis oo yurubtiisii wataa ay leeyihiin macaadinta iyo khayraadka cayriin ee soomaaliya maamulashadeeda.waxaa dhanka soomaaliya dilaalka ah damujadiid iyo nimankaa mogdisho fadhiya oo u sixiixay khayraadka soomaaliya reer galbeedka iyagoo danaynaya taa badalkeeda inay dalka xukumaan dhaqaalo shaqsi ahaaneedna helaan.dhanka kalana ay dalkoodii masiirkiisii u daba fadhiyaan shisheeye iyagoon waxba kala socon waxa socda wixii loosheegana sideeda u qaadanaya.shirkan hada ka dhacaya turkiga maha mid cusub waa midkii mogdisho hore loogu go aamiyay waana lawada aadayaa sida dawlada dhexe ee fadaraalka iyo madax goboleedyada sida ay dawladu u dhigtayba hadalka xiligaaa.waxaana lafulinyaa nidaamkii ay madaxda gobolada iyo dawlada fadaraalka ahi hore u wada sixiixeen mogdisho,hadana shirku waa fasixida lacagaha iyo dhaqaalaha lagalinayo soomaaliya fulinteed weeye.sida heshiisku ahaana maha dhaqaalahaasi mid soomaalidu ay maamulayso,waxaa maamulaya ingiris iyo turkiga xisaabyahano iyo dhaqaal yahano kasocda arintaana madaxwayne xasan waa ii uu sixiixay shirkii INGIRIISKA.

DOORKA PUNTLAND
Arimaha soomaaliya ee hada socda waxaa,wada shisheeye waxaana ka hoos shaqaynaya oo fuliyayaal ah madaxwaynaha iyo raysulwasaaraha.hadaba madaxwaynuhu wuxuu ku guulaystay in uu u adeegsado puntland heshiisna kula galay cumar cabdirashiid in uu puntland kasoo takhaluso taasoo raysul wasaaruhu ku guulaystay.cumar oo dantiisa gaarka ah raacanaya,ayaa rag puntland u dhashay la kaashaday kadibna dr gaas dhinacyada ka galay oo dardaray kuna qasbay dr gaas in uu wax walba ogolaado oo sixiixo mashruucaan socda.dr gaas oo u dhashay nin jileecnimo iyo nugayl sidaan inbadan sheegnayba ayaa hadana dhan walba laga galay,puntland gudaheeda iyo cumar xagiisa oo laysu qabtay,waxaana lagu cabsiiyay xataa in uusan oran karayn reer puntland hadaa tihiin aniga raysulwasaare cumar ayaa ihayee maxaan rag iska celiyaa? waxan ogahay in layiri waa lagu xiri hadaad hadasho wax kale iska daayoo. waligaana dr gaas ka maqli maysaan waxaa ihaya cumar cabdirashiid iyo ragiisa.mana aha in xaqiiqda jirta la qariyo si xal loo helo.waa ogahay waxa jira oo dr gaas indhaha la cadaynayo sidii isagoo arka malakumoodkiis.

g g1

Dhabtu waxaa weeye puntland iyadaa iscunaysa oo isla hartay.shirkan puntland way ka qayb galaysaa marka laga soo tago riwaayada shacabka loo dhigayo oo run ahaan cawaaqib xumo xun ku reebaysa puntland.puntland kama hadli karto cumar cabdirashiid oo ah ninka muquuniyay ee bilada ku qaatay.dr gaas wax kale hada majiraan waa in uu iska or ordaa uun inta bisha ogoos laga gaarayo oo baarlamaanka laga soo xulayo ileen waxba gacanta uuguma jiraane.waxaase taariikh xumo iyo liidnimo ah in puntland ay sidaa jubaland,galmudug,koonfur galbeed ay mashruucan damujadiid dalka ku xukumayo u odhan waayeen waa aqbalay waana raacnay habkan loo guurayo.hadayse diidan yihiin waa in ay dr gaas xilka ka xayuubiyaan haduu is casili waayay kadibna mashruucaan damujadiid gaashaanka ku dhuftaan diidaan markaa cid qasbaysaa majirto iyagaa guulaysan lahaa dhab ahaan. sidana mayeelin waxay yeeleen waxaan soomaali oo dhami u wada jeedo ee ceebta ah ee ah waa ku jira kuma jiro.maxaa qasbaya is bahdiladaa go aan la aanta ah waadba fadhidaa shirkii hawshiina sidii rag u jeexday ayay ku soctaaye.

Waxa uu badalay cumar cabdirashiid dastuurkii dalka oo sidii loo rabay uu waa fajiyay.markaa ma garanayo waxa puntland ay uuga hadlayso dastuur waayo dawlada dhexe sawtan awooda lasiiyay,yaa wax kaa waydiin talada dalka hadaad leedahay puntland kuma jirtana sawkan ina cadirashiid fadhiya oo wada hawsha.aduunka sidan ayaa laga dhaadhiciyay inaad leedahay rasalwasaaraha. war majiro.talada dalka hada kama wada dhaxayso madaxda fadaraalka iyo dawlad goleed yada waxaa go aanka si buuxda loo siiyay mogdisho sida afrika dawladaheeda ka jirta oo kaleba. kolka hadaan runta la abaari karayn edeb hala yeesho shacabkana yaan la wareerin.

Dr abdiraxman faroole arinta bilawgeedii hore waa difaacay waana ka qaybliyay arinta 4.5 iyo mashruucaan dalka lagu wado masiirkiisa.laakiin intii beesha caalamku tagtay Garoowe ee uula kulmay waxaad moodaa in isbadalku yimid dhanka difaaciisii puntland,waxa uuna hada lahayaa rag cumar cabdirashiid u jooga puntland iyo cumar.waxaad moodaa in odayga la khalday oo latusay sawir oo aad uula dhacay oo aamusiiyay kana saaray furintii markaa waxa uu maray baad moodaa wadadii dr gaas.waxaaba hada la tuhun sanyahay in shaqo loo diray oo odaygii la jiheeyay lana siiyay mashruuc ah ama qandaraas ah siyaasada jubaland gudaheeda ka taagan in uu dhex mukhuurto si intuu meel cidla ah ku hawshaysan yahay looga muraad sado puntland danihii laga lahaa.kolay waa siyaasi oo laga yaabee in uu is dareemo.gaba gabadii puntland qaybay katahay shirka turkiga waana cadaan,horaan usheegnay soomaaliyana waalakala adkaaday puntland iyadaa is hoday cidna eedi mayno ninkaa mogdisho fadhiya ayaana madaxda puntland ka cabsanayaan dhab ahaan.waxaase hubaal ah in ay puntland haysato fursad hada wali ay ku bad baad sanayso madaxbanaanideeda iyo aayaheeda siyaasadeed cid qasbaysana majiri karto haday go aan cad leeyihiin maba laha ee.marka rag bay rabtaa u kaca.arinta puntland waxaan caalamka iyo cidaba u danaynaynin ee loo qasbaayaa ah in caalamku ogayahay xogta hoose ee ah inaad aqbasheen mashruuca tanaa keenaysa in lagu qasbo waayo waad ogo shahay. nin arintan diidan cid khasbi kartaa majirto aqligana maba aha.puntland waxaan u rajaynayaa tawfiiq guul iyo hormar.

Yuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail.com