Faallo:- Balan qaadkii Madaxweynaha maxaa baajiey.

0

Ka guuridi dowladdii ku-meelgaarka aheyd iyo u wareegistii dowlad rasmi ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee sanadkii 2012 waxay aheyd bog cusub oo u furmay dadweynaha Soomaaliyeed galeyna taariikhda noqoteyna markii ugu horeysey oo si Dimoquraadi ah loo doorto Madaxweyne aan meel ku gaar aheyn sida Soomaali badan ay ku han-weynaayeen.

In la helo dowlad rasmi ah oo sharci ahaan caalamka laga wada aqoonsanyahay shacabka Soomaaliyeed waxay u aheyd farxad weyn, intooda badanna waxay filayeen in ay gaareen hamigoodii Qaran-nimo ama Gobanimadii sidii ay Soomaali beri samaadkii ahaan jirtey, dhalinyaro badan oo ku nool dalka iyo dibadda waxay muujiyeen niyad wanaag iyo rajo horumar leh oo wax ka badali karto dadka iyo dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii loo doortey xilka madaxtinimada waxa uu balan qaadey lixda qodob ee soo socoto oo dhamaan ummaadda Soomaaliyeed ay aad u soo dhoweeyeen, kuna kalsoonaayeen madaxweynaha la doortey 10 September 2012 Mudane. Xasan Sheekh in kastoo balan qaadkiisu uu ahaa sidan.

1- Xasilinta Dalka
2- Soo nooleynta dhaqaalaha dalka
3- Nabadeynta iyo Dib u heshiinta
4- soo celinta adeeyadda bulshada
5- midnimada iyo wada jira ka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed
6- abuuridda xiriir caalami ah

Lixdaas tiir, oo ay sii dheertahay balan qaadyo kale oo ay ka mid yihiin Dhismaha iyo isku dhafka ciidan Qaran, la dagaalan Musuqa iyo burcad badeedka, dhismaha hay’adda Garsoorka, iyo Sugidda Amniga.
Hase ahaatee, dadka Soomaaliyeed waxa ay aad ugu dhursugayeen, baahi weyna u qabeen in talaabada ugu horeysa ee dowladdu qaadeyso ay noqdaan qodobadan hoos ku taxan.

a) Xoreynta gobolada iyo degmooyinka ay mucaaradka gacanta ku hayaan
b) Sugidda amaanka caasimada iyo dhamaan gobolada
c) Afjarida mucaaradka iyo burcad badeedka.
d) Kaalmeynta iyo daryeelidda dadka ku barakacayaasha gudaha dalka.
e) Dhiiri gelinta Hay’adaha gargaar si loogu faa’iideeyo bulshada Soomaaliyeed.
f) Kor uqaadida tayada madaxda gobalada iyo degmooyinka maamula.
g) La tashiga qeybaha ka duwan ee Bulshada sida Aqoonyahanka, Odey dhaqameedka haweenka iyo dhaliyarada oo muhiimad gaar ah u ah dib u heshiisiinta dalka.
h) Hirgelinta iyo ku dhaqanka sharciyadda dalka u degsan laguna faafiyo gobalada degmooyinka iyo dowladaha xoose sii loo helo nidaam iyo kala dambeyn.
i) Horumarinta iyo dhameystirka Dastuurka si loo gaaro nidaam dimoquraadi ah.
Inkasta oo waqtiga Dowladani ay jirtey lagu mashquuley xil ka qaadida Ra’iisul Wasaariyaal iyo saraakiil Ciidan oo aan horeyba looga fiirsan, hadana lama sheegi karo hormar la taaban karo oo laga gaarey qodobada aan kor ku soo sheegney.

Nasiibdaro wixii ay shacabka dowladda ka filaayeen ma ay hegelin, sidoo kalena wixii ay dowladdu u balan qaaday shacabka ma fulin.
Aqristayaal si aad u fahantaan ahmiyada faalladan ay leedahay ayaa waxaan jecleystey in aan idiin qodobeeyo qaldaadka la galey isla markaana ay muhiim tahay in la saxo:-

1. In la kala diro qaar ka mid saraakiishii iyo saraakiil xigeenadii suurta gelisey in gobalo badan ay xor noqdaan iyo in Muqdisho magaalo madaxda dalka ay doorasho xor ah ka dhacdo.

2. Waxaa dhacdey in la magacaabey rag aan aqoon u laheyn ciidamada oo loo magacaabey hay’addaha qaranka kuwa ugu muhiimsan oo la ogsoonyahay in ay tahay tiirarkii Dowaldanimo ee qaran uu ku taagnaa, Waxaa la arkey in dad aan dembiiliyaal aheyn loo xirey tuhun iyo shaki dartii hadana aaney cadaalad helin oo ay iska xirnaadaan mudo ka badan bilo iyo dheeraad Waxaa suura gashey in mucaaradka ay si fudud ku dilaan dadka bulshada indho u ah.

3. Waxaa dhacdey in la magacaabo dad aan diplomasiyiin aheyn oo aqoon u laheyn wanaajinta xiriirka jamhuuriyadda soomaalida ay leedahay dunida inteeda kale, waxaana la wada ogsoon yahay in laga kulmey fadeexooyinkii lagala kulmey markii ka hadashey dowladda hada jirta arimo ay ka mid yihiin dagaalkii ukriane iyo Russia, khilaafkii Sweden iyo sucuudiga, xiriir u jaridii Dowladda Iran, iyo dhibaatadda joogtada ah ee dowladda Kenya ay ku heyso dadka soomaaliyeed.

4. Waxaa shaqooyinkooda si aan sax ahey oo gardaro ah looga qaadey shaqsiyaad muhiim u ah u adeegida Bulshada, dowladnima iyo jiritaan jamhuuriyadda Soomaalida.

5. Waxaa aad u soo xoogeysanayey dhibaatooyin ka taagana Wasaaraddaha Safaaradaha iyo dhamaan hay’adaha Dowladda iyadoo aad ku arkeysid duruufo aan loo dulqaadan Karin oo ay ku shaqeeyaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda kuwa gudaha iyo Diplomaasiyiinta dibadda jooga ah badankood.

6. Khiyaanooyin ugu weny dalka iyo dadka lagu sameeyey ayaa waxaa ka mid in shirkado ajinabi ah lagu wareejiyey, Dekedda ama furdadda weyn ee xamar iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cusman, iyadoo aaney jirin sabab kalifeysey arintaas.

7. Waxaa dhacdey in ay shirkado gaar loo leeyahay loo ogolaado maamulka korontada iyo biyaha dalka iyadoo la sheeganayo Dowladnimo rasmi ah.

8. Waxaan la in kiri Karin in dadweynaha soomaaliyeed ay si iskood ah u sameynaya horumar ganacsi iyo mid dhismo oo aan dowladda lug kulaheyn.
9. Su’aasha taagan ayaa waxay tahay Waxaa maxay baahida loo qabo magaca dowlad gobaleed maadama ay jirto dowlad dhaxe? Iyadoo la dhihi karo maamul gobaleed
– Maxaa keeney in laga wada hadlo xasaanadda
Xildhibaanada? Iyadoo la og yahay qodobka 70aad ee Dastuurka sida uu tilmaamayo.
– Maxaa sababey in la hareer maro talada iyo soo jeedinta odayaasha dhaqanka?
– Maxaa keeney keligii talisnimo iyo wadashi la’aan

10. Sedaxdii Sano aan soo dhaafney waxaa magaalada xamar ka dhacay weerer loo adeegsadey hoobiyeyaal iyo bambaanooyin, ismiidaamin iyo kuwo qosheysan iyadoo xamar keliya ay joogto u aheyn hadana ma jiraan la xisaabtan ama ciqaab dadka amniga mas’uulka ka ah lagu sameeyey,
11. Intaas ka dib Waxaa sahal noqdey in weeraro la soo agaasimisey oo aan laga hortegi Karin lagu soo qaado xaruumaha muhiim ah ee dowlada oo wax jowaab ahna aan laga bixin

12. Arimiha la yaabka leh ayaa waxay yihiin xiritaanka wadooyinka oo noqotey caado ay madaxda dowlada sameeyaan iyadoo wadada ay ka dhaxeyso dhamaan bulshada soomaaliyeed, lagana yaabo inuu ay marayaan badan oo ay mid yihiin dhaqaatiir injineero macalimiin iyo weliba dadka ugu muhiimsan bulashada.

Talo muhiim ah oo ku socota dadka.
Saraakiisha kala duwan ee Dowladda Rayid iyo ciidanba, maamulada gobalada iyo degmooyinka, odeyaal dhaqameedka ganasatada iyo bahda Waxbarashada, dhaliyaradda iyo haweenka waxaan kula talimnayaa in la sameeyo abaabul ama taageero in xildhibaanada ay go’aan ka gaaraan mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed intii dowladda shisheeye iyo ajaanib wax noo yeeerin lahaayeen.
Ina labo sano loogu daro Baarlamaanka hada jira si ay u soo doortaan Madaxweyne u qalma inuu dalka hoggaamiyo, si danta gaarka ah looga horumariyo danta guud.

Talo Muhiim ah oo ku aadan Dowlada.

Madaxda dowlada waxaan idin xusuusinayaa dhaartii kitaabka iyo midii dastuuriga aheyd, kusiga soomaali baa iska leh qofka ku fadhiyana waa marti.
Soomaaliya maanta uma baahna siyaasad gadaal gadaal u socoto, tusaale sida ay abaanada sheegeen oo ah (diin god gal, god god gorey gal ama gorey god gal, god diin gal) oo micnaheedu yahay iska daba wareeg.
Soomaaliya waxay u baahantahay siyaasad cusub oo ka duwan wixii hore loo arkey iyo madax dadka ay raali ka yihiin.
Hoggaanka Dowlada waxaa u furan in ay ka fekeraan sidii talada loogu celin laa golaha shacabka ama Baarlamaanka maadaama uu wakhtigu dhamaadey, Baarlaankana ay go’aan ka gaaraan mustaqbalka dalka.

Maxamed Cabdullahi Axmed
mohamedabdullahi2000@gmail.com