WAR DEG DEG:- Banaanbax lagu dalbanayo cadeynta xuquuqda caasimada oo Muqdisho ka socdo

0

Banaanbax ay dhigayaan dadweyne badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa hadda ka socdo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo abaabulay qaar kamid ah maamulada degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana dadka dhigaya ay dalbanayaan in la cadeeyo maqaamka gobolka Banaadir uu leeyahay.

Dadweynaha ayaa ku dhawaaqaya erayo ay kamid yihiin in la cadeeyo kaalinta awood qeybsiga gobolka Banaadir ku leeyahay doorashada sanadkan ka dhaceyso dalka iyo in la cadeeyo tirada xildhibaanada baarlamaanka ee kusoo aadaysa gobolka Banaadir.

Dadka ayaa xiray ayaa banaanbaxooda ku hor dhigaya wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya iyo dhismaha baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale meelaha ay dadka isugu yimaadeen ayaa waxaa ka mid ah afarta jardiino, aargada km4 iyo taalada daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.

Isu soo baxa oo ah mid nabdoon ayaa waxa ay dadka soo abaabulay ay codsanayaan in la caddeeyo xuquuqda ay caasimadda ay leedahay, iyadoo la mid ah magaalooyin kale ee dalka ku yaala.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.