Sow lama joogo xilligii uu qofka kasta oo Soomaaliga ah sheegan lahaa qabiilka uu asal ahaan ka soo jeedo?

0

Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo arin in muddo ah igu taagnayd, Islamarkaana aan maanta u arko hadalkeeda in uu waajib tahay, Taasi oo ah sheegashada uu qofka Soomaaliga ah uu sheegto qabiilka uu asal ahaan ka soo jeedo maadaama ay jiraan duruufo maanta u saamaxayo sheegashada qabiilkiisa.

Arintan ayaa igu dhalatay ka hadalkeeda, ka dib markii aan arkay dad badan oo Soomaali ah oo ay welwel ku hayso sheegashada qabiilka ay asal ahaan ka soo jedeen, Iyagoo ka baqayo in ay arintaasi saameyn ku yeelato amnigooda, hantidooda iyo waliba sharafkooda. Hadaba sow lama joogo xilligii uu qofka Sooomaaliga ah sheegan lahaa qabiilkiisa isaga oo cidina ku sharfaynin ?

Bal Inta aanan ka jawaabin su’aashaasi, aan marka hore waxoogaa ka waramo sida ay ku dhacday in dadka qaar ay sheegtaan qabiillo aysan asal ahaan ka soo jeedin iyo waliba waxa sababay arinkaasi. Walaalayaal sida aad ka warqabtaan, dadka Soomaaliyeed waxa ay u badnaan jireen dad reer-guuraa ah oo ay noolashoodu inta badani ay ku xirnaan jirtay dhaqashada qeybaha kala duwan ee xoolaha sida geela oo kale.

Dadkani, ayaa waxa ay mararka qaar wajihi jireen duruufo wax ka badala hababkii ay u noolaayeen iyo waliba deegaanadii ay ku dhaqnaan jireen. Duruufahaasi, ayaa waxa ay isugu jireen kuwa dabiici ah sida abaaro oo kale, iyo waliba kuwa kale oo ay bini’aadamku keeneen sida colaado sokeeye oo kale, Kuwaasi oo gebi ahaanba wax ka badali jiray sidii loo noolaa iyo waliba meeshi lagu noolaaba.

Markii ay duruufahaasi oo kale dhacaan, Waxaa dhasha isbadal weyn oo kala kaxeeya dad badan oo isku reera ahaa. Tusaale ahaan, haddii ay dhacdo colaad weyn, Waxaa suurtagal in ay colaaddaasi kala fogayso qabiil meel wada daganaa. Waxaa sidaasi oo kale la mid ah marka ay timaaddo abaar daran, Taasi oo ku qasabta qoysas badan in ay ka hayaamaan deegaankooda, Iyagoo ugu danbayn ku dhex-milma qabaa’illo kale, ka dibna sheegta sida marar badanba dhacday.

Anigu, markaan muddo dheer baaris ku hayey waxa keena in dadka qaar ay sheegtaan qabiillo aysan asal ahaan ka soo jeedin, Waxaa runtii baaristayda iiga soo baxday in ay jiraan arimo badan balse ay ugu muhiimsan yihiin afar arimood oo kala ah :-

1-In qabiil uu ka guuro deegaankii uu asal ahaan ka soo jeeday sababo la xariira dagaallo dhacay, abaaro iyo waliba daaq doon

2-in Jifo ay ka talowdo qabiilkii ay asal ahaan ka soo jeedday dulmi dhacay awgii sidaasina ay ku biirto qabiil kale.
3-In qoysas ay horay u sii raacaan beelo u guurayo deegaanno kale daaq darii, Taasina ay ugu danbayn keento in qoysaskaasi ay sheegtaan beelihii ay horay u sii raaceen maadaama aysan kaligood istaagnaan Karin.

4-In wiil yari ay korsadaan reero, ka dibna uu wiilku ku abtirsado reerihii soo korsaday, dabadeedna uu aad u farcamo sidaasina uu ugu danbayn noqdo qabiil taagan sida marar badanba dhacday,

5-Ama uu nin u cilmi doonto deegaan kale, ka dibna uu go’aansado in uu ku nagaado deegaankaasi, Isagoo ugu danbayn sheegta reerkii uu la noolaa maadaama aanu kaligii istaagnaan Karin.

Shantaasi qodob ah ee aanu soo sheegay in kuwa kale oo lagu darayba, Waxa ay keeneen in dad badan oo Soomaali ah ay maanta sheegtaan qabiillo aysan asal ahaan ka soo jeedin, balse aysan Iyagu ku eedaysnayn sheegashada qabiiladaasi, maadaama ay arintani dhacday boqolaal sano ka hor, Islamarkaanna aysan goobjoog u ahayn xilligii ay dhacayeen duruufaha maanta keenay in ay sheegtaan qabiillo kale.

Haddaan dib ugu soo laabto jawaabta su’aashayda, Anigu waxaan qabaa runtii in maata la joogo xilligii uu qof kasta oo Soomaali ah Sheegan lahaa qabiilka uu asal ahaan ka soo jeedo, maxaa yeelay waxaa jira duruufo badan oo maanta u saamaxayo in uu sheegto qabiilkiisa, Waxaana duruufahaasi ka mid ah kuwa soo socda:-

B- Saxwadii Islaamiga ahayd oo ku dhex faaftay guud ahaan Bulshadeenna.
T- Aqoontii qeybaheedii kala duwan oo badatay haba iska nacfi yaraatee.
J- Dagaalkii qabiilka oo yaraaday, gaar ahaan kii reernimada la isku dili jiray.
X- Xaalka dalka oo soo hagaagay, Islamarkaana ay dhismeen maamullo haba iska tabar yaraadaane.

Afartaasi qodob ee aannu soo sheegay iyo kuwa kale oo lagu darayba, Waxa ay maanta u suurtagalinayaan qofka Soomaaliga ah in uu sheegto qabiilka uu asal ahaan ka soo jeedo, Isaga oo aan cidina ka baqaynin, Islamarkaana aan waxba ku weynaynin sheegashada reerkiisa. Sidee walaalow u sheegan kartaa qabiil aadan asal ahaan ka soo jeedin, Adigoo og in Bulshadaadu ay maanta u diyaarsan tahay sheegashada reerkaaga Adigoo waliba ku amaanan ?

Sow ma ogid in Bulshada maanta nool ay tahay bulsho ay ka soo shaqeeyeen Culimo abaal ku leh Umaddan oo ay ka mid yihiin Shariif Cabdinuur, Sh. Cumar Faaruuq, Sh. Baqolsoon, Sh. Cabdiqadir Gacamay, Sh. Xasan, Sh. Cali Warsame, Sh. Maxamed Idiris, Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar, Sh. Umal, Sh. Shible, Sh. Mustafa Xaaji, Sh. Cukaasha, Sh. Cabdirashiid Cali Suufi iyo waliba culimo kale oo badan.

Sow ma ogid walaalow, in maanta uu nool yahay Jiil ka duwan kii hore, Islamarkaana ka aqoon badan ? Sow ma ogid in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo u aanaynayo dhibaatadii dhacday in ay sabab u tahay dulmigii loo gaystay dadka qaar ? Sow lama socotid walaalkayga sheeganayo qabiil aan qabiilkiisa waxba dhaamin, in uu jiro isbadal weyn oo wax ka badalay hab-u-fikirkii qofka Soomaaliga ah ee maanta nool ? Sow ma ogid in duruufta maanta ay ka duwan tahay tii qasabtay awoowgaagii labaatanaad ?

Maadaama aannu nahay dad muslim ah sow ceeb naguma ahan inaan sheeganno wax aanan ahayn, bal dhinaca kale noqon kara been iyo Alla ka fogaansho. Ma waynan been noqonaynin marka aad sheegato qabiil aadan asal ahaan ka soo jeedin ? Ma waynan ceeb ahayn inaad sheegato reer aan reerkaaga waxba dhaamin, haddii ay noqon lahayd qurux, dhaqaallo, waxbarasho iyo waliba karti ? Sidee u sheeganaysaa Adigoo ah Qansax A Qansax A kale !!

Si loo dhameeyo dhibaatadan haysata Soomali badan oo la muragaysan waxa af ingiriiska lagu yiraahdo Identity Crisis, Kuwaasi oo maalin kasta isweydiiyo sababta ay u sheeganayaan qabaa’illo aysan asal ahaan ka soo jeedin, bal ay dhib ku qabaan qabaa’ilkaasi, Iyagoo had iyo jeer kala kulma erayo u daran qalbiga qofka sida waxaad tihiin sheegad iyo wax la mid ah.

Ma la socotaan in ay jiraan dad badan oo xilal iyo shaqooyinba ku waayey waxaad sheegad ku tihiin reerkeenna ? Ma ka warqabtaan in dad badan oo Soomaali ah ay guur waayeen waxaad sheegad ku tihiin beel hebal ? Ma og tihiin in Soomaali badan ay u guureen dalalka Itoobiya iyo Kenya, Iyagoo ka cararayo dulmi ay ku hayaan reerihii ay sheegan jireeen ?

Hadaba si xal loogu helo mishkiladdan ijtimaaciga ah, Waxaan qabaa in la joogo waqtigii aan dhamaanteenba u istaagi lahayn dhamaynta dhibaatadan murugada ku hayso Malaayiin Soomaali ah oo hurdo iyo hoyaadba diiday, Islamarkaanna aaminsan in ay ku dulman yihiih gudaha Bulshadooda. Waxaan qabaa in la joogo xilligii ay dadkaasi sheegan lahaayeen qabiilka ay asal ahaan ka soo jeedaan, Iyaga oo aan cidina ugu danaynaynin, cidina ku dulmaynin. Of course

Sidoo kale waxaan qabaa in la joogo xilligii laga dhiidhin lahaa guurka la isku xumaynayo, Iyadoo dhinaca kalena lagu faraxsan yahay marka loo guurinayo dad aan Soomaali ahayn, oo ay waliba ku jiraan Kiikuuyo iyo Xabasho urtooy. Maxaa lagu tilmaami karaa qofka Soomaaliga ah ee gabar Soomaaliyeed u diidayo wiil Soomaliyeed, Iyadoo uusan dhibba u arag marka uu u guurinayo Jayniis, Maksikaan iyo Neegar Ameerikaan ?!

Gabagabadii iyo gunaanudkii, Waxaan soo jeedinayaa talooyin dhowr ah oo aan isleeyahay, waxa ay xal u noqon karaan mishkiladdan Ijtimaaciga ah ee hurdada u diiday malaayiin Soomaali ah oo ay dhib ku tahay sheegashada qabiilkooda sababa la xariira taariikh hore, Waxaana talooyinkaasi ka mid ah kuwa soo socda :-

1-In qof kasta oo Soomaali ah uu sheegto qabiilka uu asal ahaan ka soo jeedo, Isaga oo aan cidina ugu danaynaynin

2-In qabaa’ishu ay fadhiyo ka yeeshaan arintan, islamarkaanna ay xal u helaan dhibaatadan murugada leh.

3-In Culimada Soomaaliyeed ay ka hadlaan waxa ay diintu ka qabto sheegada qabiil aadan ka soo jeedin.

4-In Warbaahintu ay ka hadasho dhibaatadan, Iyadoo ka qeybgelinaysa qeybaha kala duwan ee Bulshadeenna.
Codsi: Waxaan waydiisanayaa Bulshada Soomaaliyeed bal in ay ila wadaagto sida ay u aragto arinta aan ka hadlay iyo xuluusha aan soo bandhigayba. Ma la joogaa xilligii laga hadli lahaa arintan ? Fadlan jawaabtaada iigu soo dir e-mailka hoose

Maxamed Ibrahim
Al-faatix1960@hotmail.com