DHAGEYSO:- Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in Xafiisyo Xeer ilaalinta ku shaqeyso laga furi doono Gobolada dalka

0

Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha qarana Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ay wadaan qorshe cusub oo xafiisyada xeer ilaalinta lagu gaarsiinayo gobolada dalka.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay xeer ilaaliyaha qaranka in ujeeda ay tahay sidii howlaha xeer ilaalinta loo gaarsiiin lahaa guud ahaan dalka.

Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa dhanka kale sheegay in in dadaalada ay wadaan ay hada meel wanaagsan mareyso iyadoo oo uu carabaabay in in howsha ay u socoto sidii loogu talagalay.

Hadalka xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii u dambeeyay ay wadeen dadaalo lagu hormarinayo xeer ilaalinta qaranka.

Halkaan ka dhageyso