DHAGEYSO:- Madaxweynaha Jubbaland oo shir dib u hishiisiin ah ka furay Magaalada Kismaayo.

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta ka furay magaalada Kismaayo shir looga hadlayay dib u hishiisiinta beelaha daga deegaanada Jubbaland.

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shirka uu yahay mid lagu xalinayo cabashada mid kamid ah beelaha daga Jubbaland ay ka qabaan maamulka madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe, oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa sheegay inuu doonayo in la dhameeyo khilaafka ka dhex taagan beelaha daga Jubbaland iyo maamulkiisa.

Sidoo kale Axmed Madoobe, oo aan sheegin waqtiga shirkaasi uu dhamaayo ayaa cadeeyay in madax ka tirsan dowlada Soomaaliya ay ka qeyb gali doonaan shirka ka furmay maanta magaalada Kismaayo.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray cabashooyinka badan oo ay muujinayeen beelaha daga deegaanada Jubbooyinka, iyaga oo ka cabanayay maamulka Jubbaland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-