DHAGEYSO:- Xildhibaano ku baaqay in ay is casilaan Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya

0

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliya ayaa soo jeediyay in ay iscasilaan Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Gen.C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Xildhibaanada oo ka hor hadlay Kulan Baarlamaanka Soomaaliya ay shalay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ayey ku baaqeen in Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad Sugidda ay iscasilaan ,maadaama ay ku Fashilmeen in ay wax ka qabtaan Ammaanka Dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale  oo ka mid ah Xildhibaanada soo jeediyay in Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Hay’adda NISA ay iscasilaan ayaa sheegay in Ciidanka Nabad Sugidda ay Rasaaseeyen islamarkaana ay dili rabeen sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-