DHAGEYSO:- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo gaaray Baladweyne

0

Wararka inaga soo gaaray Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu maanta barqadii gaaray Wafdi uu hogaaminaayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeral Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Wafdigaan markii ay gaareen Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne waxaa ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Magaaladaasi.

Soo dhaweyn ka dib loogu sameeyey wafdigaasi garoonka diyaaradaha ee Magaalada  Baladweyne ayaa loo galbiyey meeshii loogu talo galay inay deggaan.

Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Taliye Xaamud iyo Xubnaha la socday ay kulan kooban kula qaateen Deegaanka Ceel jaalle Ee Duleedka Magaalada Saraakiisha Ciidanka AMISOM kuwooda ka socda Dalka Jabuuti ayna kawada hadleen Arimo dhowr ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

Wixii warar ah ee soo kordha waan idiin soo gudbineynaa INSHA ALLAH..