DHAGEYSO:- Soomaali loo heysto Weeraro ka dhacay Lamu oo maxkamad lasoo taagay

0

Saraakiisha dhanka amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay iney su’aalo weydiinayaan seddex ruux oo lala xiriirinayo Al-shabaab, kuwaasi oo bishii lasoo dhaafay la sheegay iney weerar ka geysteen magaalada dhanka xeebta ku taaala ee Lamu, weerarkaasi oo sababay dhimashada labo ruux.

Seddexda ruux ee laga shakiyay ayaa kala ah Jaamac Axmed Maxamed, Maxamed Xaliil Xasan iyo Axmed Hiloobe Calaay oo ka tagay dalka Soomaaliya, waxaana lagu eegeeyay iney weerar ay dad ku dileen ka geysteen xaafada Kaisari oo ka tirsan deegaanka Pandanguo.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay dad kale oo badan, waxaana seddex ruux lagu xiray deegaanka Mpeketoni, iyagoo loo wareejiyay maxkamad ku taala magaalada Mombasa ee dalka Kenya, Tallaadadii shalay.

Ku xigeenka agaasimaha xeer ilaalinta guud Alexander Muteti, ayaa shegay in dhalinyarada laga shakiyay ee Soomaalida ah si toos ah loola xiriiriyay weerarka, waxaana maxkamad loo soo taagayaa dilka ay geysteen, sida uu sheegay.

Wuxuu maxkamada ka dalbaday in seddexda ruux la dhigo xabsi ilaa Khamiista soo socoto si markale maxkamad loosoo taago.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu eedeynayo iney weeraradaasi geysteen ayaa lagu balamay in markale maxkamad lasoo taago todobaadka soo socdo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-