TOP NEWS:- Gar gaar la geynayo magaalooyin go’doonsan ee ku yaalla Dalka Syria

0

Dad badan oo ku sugan magaalooyin go’doonsan oo ku yaala wadakkja Syria ayaa maanta sugaya raashin gar gaar ah oo loo geynayo.

Wakiilka Q,M ee arrimaha Syria Staffan de Mistur ayaa sheegay in gaadiid sida shixnada gar gaar ah ay maanta geynayaan dhawr magaalo oo go’doonsan oo ay ku sugan yihiin malaayiin ruux oo samafal u baahan.

Magaalada Madaya oo ay dad badan baahi darteed ugu geeriyoodeen ayaa ka mid ah meelaha maanta gar gaarka la geynayo.

Dad badan oo Syrian ah oo ku nool magaalooyin go’doonsan ayaa u baahan gar gaar deg deg ah oo lala gaaro sida Q,M sheegtay