TOP NEWS:- 6 askari oo kamid ah askarta Puntlandnoo sun cabay

0

Duleedka Waqooyi ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa dhibaato kasoo gaartay sun ay cabeen 6 askari oo kamid ah askarta Puntland.

Askartan ayaa la gaarsiiyey isbitalada Waqooyiga Gaalkacyo si loo la tacaalo caafimaadkooda qaar kamid ah ayaa koomo ku jiray xiligii isbitaalada lageeyey waxaana laga matajiyey suntii ay cabeen.

6 Askari ayaa suntan cabay kadib markii ay u raacday caleen shaah oo ay ku dareen shaah ay karsadeen waxyeeladeeda ayaa yaraatay sababtay keentay inay yaraato dhimashada ayaa lagu sheegay inay tahay kadib markii ay karsantahay suntaasi sidaasna ay ku yaaratay khasaareheeda dhaqaatiirta ayaan cadayn nooca sunta ay cabeen askartaasi ee ku jirtay Caleenta.