DHAGEYSO:- QM oo shaacisay Xad gudub galmo ah oo ka dhacay wadan caan ah

0

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay jiraan warar sheegaya in afar carruur ah ay xadgudubyo u gaysteen ciidammo ka soo jeeda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Waxaa la sheegay in tacadiyo dhanka galmada ah carruurtaasi loogu gaystay xero ay ku nool yihiin dad ka soo barakacay colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, intii u dhaxaysay sanadihii 2014-ka iyo 2015-ka.

Eedaysanayaasha ayaa waxa ay ka tirsan yihiin nabad ilaaliyayaal u dhashay waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

In ka badan toban sano ayaa howlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Afrika waxaa hareeyay fadeexadaha noocaasi oo kala ah.

Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay wax yar ka qabatay sidii dhibaatadaas lagu soo afjari lahaa.

Diseembartii la soo dhaafay guddi madax bannaan ayaa waxa uu Qaramada Midoobay ku dhaleeceeyay sida ay ula tacaashay eedaha tacadiyada ka dhacay Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyagoo sheegay in saraakiisha sarsare ay ku guuldaraysteen in ay tallaabo ka qaadaan xadgudubyada lagu eedeeyay in ay gaysteen ciidammo u dhashay wadammada Faransiiska, Equatorial Guinea iyo Chad.

Hoos ka Dhageyso Codka:-