DHAGEYSO:- Madaxweynaha Puntland oo Madaxda Itoobiya kala hadlay hormarinta Puntland iyo Arrimo kale

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya kula kulmay Madaxda Dawladda Itoobiya.

Madaxweynaha Puntland ayaa Addis Ababa waxaa kusoo dhaweeyey xubno ka socoda golaha Wasiirada Dawladda Itoobiya oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda Dr. Tedros Adhanom, Wasiiru Dawlahaha Madaxa Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taye Atske, Wasiirka Arrimaha Bulshada, Wasiirka Ganacsiga, Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Ambassador Wondimu Asamnen iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom oo ay weheliyaan , Wasiiru Dawlahaha Madaxa Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taye Atske iyo Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Wondimu Asamnen.

Madaxweynaha Puntland iyo Masuuliyiintii ay kulanka wada qaateen ayaa waxay kawada hadleen Xaaladda Guud ee Soomaaliya iyo gaar ahaan xaaladda Puntland iyagoo kulankooda intiisa badan diiradda ku saaray horumarka baaxadda leh ee ka socda Puntland iyo sidii laysaga kaashan lahaaa la dagaallanka kooxaha Argagixisada Alshabaab. Iyo Doorashada dabayaaqada sanadkaan dalka ka dhacay.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kala hadlay Madaxdii uu la kulmay sidii Itoobiya ay maalgashi uga samaysan lahayd Puntland si dhaqaalaha Puntland ee kobcaya uu dad-dar usii yeelan lahaa isla markaana ay uga faa’iideysan lahaayeen kumannaanka dhallinyarada ah ee sannad walba kasoo qalin jebinaya Jaamacadaha.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalmaha soo socda waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dawladda Itoobiya oo uu kamid yahay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, golihiisa xukuumadda, xubnaha beesha Caalamka iyo midowga Afrika ee ku sugan Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-