duqeyn ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacday Dalka Yamen

0

Diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ayaa duqeyn ay ka geysteen wadanka Yemen waxaa ku naf waayay in ka badan 10 ruux sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka shaqeeya xarumo caafimaad oo Yemen ku yaala.

Wararku waxay sheegayaan in duqeyn xoog leh oo ka dhacday xarumo ay maamulaan dagaalamayaasha Xuutiyiinta oo ku yaala gobolka Jowf ee waqooyiga Yemen ay sababtay khasaaro badan.

Warbaahinta dalka Yemen ayaa baahisay in khasaaraha ugu badan uu gaaray dad rayid ah oo ka ag dhawaa xarunta la weeraray.

Sidoo kale Q,M ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in qiyaastii 21 million oo Yemeniyiin ah ay u baahanyihiin gar gaar deg deg ah.

In ka badan 6,000 oo ruux ayaa la aaminsanyahay inay ku naf waayeen duqeynta Yemen ka socota ee Sacuudigu hor boodayo oo bilaabatay bishii March ee sanadkii hore.