DHAGEYSO:- Dowlada Kenya oo u dhisaysa xabsi u gaar ah maxaabiista loo haysto argagaxisada

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ay dowladiisa u dhiseyo xabsi cusub oo u gaar ah dadka loo haysto dambiyada argagaxisada. Uhuru Kenyatta madaxweynaha Kenya oo ka hadlayay munaasabad ay ku qalin jebinayeen ilaalada xabsiyada dalka Kenya ayaa ku tilmaamay xabsiga inuu yahay mid lagu doonayo in loogaga hortago fidinta mabaadi’da asal raacnimada deegaanada kale.

Sharciyada ka hortagga falalka argagaxisanimada ayaa u oggolaanaysa ciidamada dalka Kenya in ay xabsiyada lagu hayo muddo dheer dadka lagu tuhunsan yahay inay falal argagaxiso ku lug leeyihiin.

Xabsiyada ku yaal dalka Kenya ayaa waxaa lagu tilmaamaa kuwo ay maxaabiista ku jirta ay aad ugaga badan yihiin tiradii loogu talogalay.Hase yeeshee Madaxweyne Kenyatta ayaan sheegin xilliga iyo goobta laga dhisayo xabsiga ugaarka ah maxaabiista loo haysto dambiyada argagaxisanimada.

Dowlada Kenya ayaa waxay dagaal kula jirtaa maleeshiyaad gudaha dalkeeda ka abuurmay kuwaasoo xiriir la leh ururka Alshabaab oo sheegta inuu ka tirsan yahay Alqaacida.

Ururka Alshabaab ayaa sidoo kale ka dhex sameeyay gudaha dalka Kenya xarumo lagu qoro dhalinyarada jihaad doonka gaarka ahaa magaalada Mombasa oo ah magaalo xeebeed ay Muslimiin badan degen yihiin.

Sanadkii 2011 ayaa ciidamada Kenya gudaha u galeen dalka Soomaaliya si ay isugu dayaan inay ka hortagaan weeraro uu ururka Alshabaab ku soo qaado dalka Kenya kadib markii weeraro iyo afduub ay ka dhaceen gudaha dalka Kenya. Askar gaareysa afar kun oo Kenyan ah ayaa qeyb ka ah ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda qaarada Afrika kuwaasoo gaaraya 22,000 oo ka howlgala dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-