DHAGEYSO:- Xildhibaan Dalxa oo Madaxda Dowlada ka codsaday iney kala saarto Awoodaha Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Dowlada

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga fadhiyo in ay kala saarto awoodaha Saraakiisha Soomaalida iyo kuwa AMISOM-ta ah marka ay wadajir u howlgalayaan.

Xildhibaan Dalxa, waxaa uu sheegay in Marka Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay baaritaanka sameynayaan Ciidamada AMISOM aysan qaadan hadalka Taliyayaasha Soomaalida ah,tusaale marka Ciidanka AMISOM loo sheego in qofkan uu yahay Xubin ka tirsan Baarlamaanka uu diido Askariga AMISOM-ta ka tirsan.

Waxaa uu sheegay in Waddanka lawada heysto,taladana aysan ka go’in qolo gaar ah,sidaa darteedna loo baahan yahay in lakala saaro Awoodaha Ciidamada AMISOM ee jooga dalka iyo Ciidanka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa hadalkan ka sheegay kulankii Baarlamaanka ee shalay oo baarlamaanku ay su’aalo kuw eydiinayeen Wasiirrada amniga iyo Gaashaandhigga,oo ay Xubnaha Baarlamaanku dalbadeed in ay hor yimaadaan kadib markii Madaxweynuhu sheegay si loo sugo Amniga in xitaa Mas’uuliyiinta Dowladda labaarayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-