DHAGEYSO:- Wasiirka Amniga oo sheegay in Baarlamaanka la horkeynayo Saraakiishii bixisay amarka lagu baarayo Xildhibaanada Qaranka

0

Wasiirka Wasaarada amniga gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Saraakiisha amaanka ee Dowlada la weydiinayo cidii bixisay amarka ah in la baaro Xildhibaanada Qaranka ee ka dhoofayo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin in lagu xad gudbo Xasaanada Xildhibaanka iyo sidoo kale in la baaro qof ahaantiisa iyo hantidiisa.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in uusan jirin amar ka soo baxay Wasaarada amniga oo lagu baarayo Xildhibaanka iyo mid lagu dhibaateynayo shaqadiisa.

Waxa uu xusay in Baarlamaanka la hor keynayo Saraakiishii bixisay amarka ah in la baaro Xildhibaanada marka ay ka dhoofayaan Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-