DHAGEYSO WAREYSI:- Maamulka Degmada Qoryooley oo Bandow ku rogay degmadaasi

0

Maxamed Xaaji Cismaan Guddoomiyaha Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in Degmadaasi lagu soo ragay Mandow Xilliga Habeenkii ah si loox aqiijiyo amniga degmadaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Gaadiidka aysan Magaalada gali karin kana bixi karin wixii ka dambeeyay 7:00 Fiidnimo ilaa 8:00 Subaxnimo, waxaana uu u sababeeyay in ay tahay kaliya in la xaqiijiyo amniga degmadaasi.

Dadka ayuu sheegay in Habeenkii wixii ka dambeeya Hal Saac iyo Bar aysan socon karin ciddii la qabtana loo arkayo in ay mani darro ku heyso degmada Sharcigana la horgeynayo sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha Degmada Qoryooley Max’ed Cismaan Xaaji waxaa uu sheegay in Bandowga lagu soo roagay degmada uusan lahayn waqti uu ku egyahay ee laga qaadayo.

Degmada Qoryooley ayaa dhowr jeer isu beddeshay Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda oo uu midiba mar qabsanayay,waxaan amaamulku hadda sheegayaan in la joojiyay dhaq dhaqaaqa Gaadiidka Maqribka wixii ka dambeeya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-