DHAGEYSO:- Salaad Cali Jeelle oo ka hadlay Fashilka Dowlada iyo Awooda Al-Shabaab ee dib usoo cusboonaatay

0

Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed horayna xilal kala duwan ugu soo qabtay Dowladihii KMG ee Dalka soo maray ayaa ka hadlay Meelaha ay ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee ka mid ah Dalka.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay guteen Waajibkoodii ahaa in ay Shabaab ka saaraan Goobaha ay gacanta ku hayaan islamarkaana Dowladda Federaalka ay Dayacday in Gacanta lagu haayo Degaanadii Shabaab laga qabtay.

Sidoo kale Guddoomiye Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in arrintaasi ay dhabar jab ku tahay Hankii laga lahaa in Shabaab laga saaro Guud ahaan Goobaha wali gacantooda ku jira.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa iskaga baxay Goobo Muhiim ah oo horay Al-shabaab looga qabsaday qabsashadoodana dhib weyn laga soo maray.

Hoos ka Dhageyso Codka:-