DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo sheegay iney gacanta ku hayaan dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Cali Aadan ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen Degmada Afgooye iyo degaanno hoostaga ay ku sooq abteen 3 xubnood oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab iyo hubkoodiiba islamarkaan ay hadda ku xiranyihiin Saldhigga degmada Afgooye.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalkan uu sababay kadib markii Al-shabaab Habeen ka hor ay weerareen Saldhigga Degmada,Gudriga Guddoomiyaha Degmada Afgooye iyo Baro Koontarool oo Ciidanka Dowladda ay ku lahaayeen Degmadaasi.

Waxaa uu sheegay in Degaannada Sabiib iyo Mareerreey ay kala wareegeen Al-shabaab,haddana ay Al-shabaabku ku sugan yihiin degaanka Bariirre ee  isla Gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidanka Nabad Sugidda iyo kuwa Milatariga ayaa Howlgal ka wada Tuulooyinka hoostaga Degmada AFgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Al-shabaab ayaa guul ka sheegtay dagaalka Habeen hore ay ka fuliyeen degmada Afgooye,waxaana y intaa ku dareen in ay qabsadeen Degmadaasi,saacado kadibna isaga baxeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-