DHAGEYSO:- Dowlada Australia oo war amni aan la fileyn ka soo saartay Xaalada Soomaaliya+Dadka ka soo jeeda dalkaasi oo cabsi ay la deristay

0

Dowladda Australia ayaa ugu digtay In muwaadiniinteeda ay u socdaalaan Somalia oo ay sheegtay in ay ka jirto halis dhinaca ammaanka ah waxaana Australia ay soo qaadatay weeraradii Somalia ka dhacay dhawaan sida qaraxii ka dhex dhacay diyaaradda daallo iyo weerarkii ka dhacay bishii hore xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ay ka dhasheen dhibaatooyin isugu jirtay dhimasho iyo dhaawac.

Australia waxay xustay in xaaladda Somalia ee xilligan ay tahay mid adag marka laga eego dhinaca ammaanka iyadoo sheegtay in kooxaha xag jirka ah ay gaysan karaan falal isugu jira afduub iyo dilal ay la beegsadaan dadka ajnabiga ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Australia ay muwaadiniinteeda ku sugan Somalia ugu baaqday in ay isaga soo baxaan Somalia si aysan ula kulmin halis ammaan darro oo kaga yimaada dhinaca Xarakada Al Shabaab.

Australia ayaa ku biireysa liiska dalal reer galbeed ah oo muwaadiintooda ugu digay in ay u safraan Somalia kuwaasoo sheegay in ay ka cabsi qabaan weeraro ka imaan kara Al Shabaab oo bilooyinkii la soo dhaafay weeraro u gaystay ciidamada dowladda Somalia ,AMISOM iyo dad rayid ah

Halkaan ka dhageyso