DHAGEYSO:- Ciidamada Maamulka K/galbeed oo bilaabay xaqiijinta amniga wadada u dhaxeysa Waajid iyo beydhabo

0

Ciidamada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa maalmihii dambe waday diyaar garoow xoogan oo ku aadan howlgal ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan inta u dhaxeysa degmooyinka Waajid iyo Beydhabo.

Ciidamada ayaa maanta u dhaqaaqay xaqiijinta amaanka inta u dhaxeysa degmooyinka Waajid iyo beydhabo isla markaana doonayo in Shabaabka ku sugan halkaasi ay ka saaraan.

Saraakiisha hor kacayo howlgalkaan oo qaarkood la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan in ay Al-Shabaab ka saaraan goobaha ay iminka kaga sugan yihiin Waajid.

Hoos ka Dhageyso Codka:-